Internet

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Shabakkado Kumbiyuutaro ah

Internet waa hab aduunka oo dhan u furan iney isku dhaafsadaa waranka, cilmiga, ganacsiga iwm. Internet wuxuu ka kooban yahey Shabakadda Kumbuyuutarrada (Ingriis: Computer Network). Kuwaasoo xogta (Ingriis: Data) isku dhaafsadda habka loo yaqaan internet protocol. Wuxuuna ka kooban yahey malyuunaad shabakkadood (English: network) sida kuwa jaamacaddaha, ganacsiyada, dowladoha, shirkadaha. Kuwaas oo si wadojir ah isku dhaafsada xog kala duwan oo noocwalba leh sida sawiradda, fiidhyoowyada, codadka, iyo qoraaladda.

Magaca internet wuxuu ka yimid ereyga interconnection network, oo loo soo gaabiyey internet.

Taariikhda[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Internetku waxow ahaa natiijo ka dhalatay Mashruuc ay sii daysay Hey'ada ARPANET sanadii 1969 kaas oo ahaa mashruuc kasoo baxay wasaarada gaashaandiga Mareekanka barnaamijkaas waxaa loo aasaasay isku xirka Ciidanka Mareykanka iyo jaamacadaha iyo dhamaan hay'adaha cilmi baarista si looga faa'iideysto Aalada Kombiyuutarka. Koowda Janaayo ee 1983 ayaa wasaarada Gaashaandhiga Mareekanka badashay Baratakoolkii NCP kuna wareegtay TCP/IP. Shabakada Internetka waxaa si ganacsi ahaan ugu furmatay 1988. Markaasoo kadibne la furay Shirkado internetka bixiyo (ISP)oo kala ahaa UUNET, PSINet iyo CERFNET. 6 dii Agoosto 1990 CERN, oo aheyd Hay'ad cilmi Baaris oo Yurub ka dhisneyd ayaa si furan u shaacisay WWW- oo ah Shabakada Xuub Caaro. Web ka waxaa soo saaray Saynisyahano Ingiriis ah.

Micnaha web afsoomaaliyeyn waa Mareeg wa isku keenid ama aruurin waxyaalaha ka dhaca dunida daafaheeda oo lagu kulmiyay hal meel.

Mustaqbalka Internetka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Sida hada ka muuqato Internetku wuxuu yareeyay waxyaabo badan oo ay ku bixi jirtay tamar sida tusaale ahaan waxaa maanta wax ka baran kartaa Internetka adigoo joogo xaafadaada ama gurigaada, Sidoo kale waxaa laga maarmay inaad maanta tegto meel ganacsi oo aad sheey ka iibsato adigoo heli karo dukaameysi Qadka (Online Shopping). Sidoo kale waxaad arkeysaa Shaneemooyinkii in laga maarmay oo Netka aad heli karto Film ama riwaayada aad rabtid. Sida ay leeyihiin Khubarada Aduunka in uu Netka noqon aduunka khiyaaliga ah Tusaale ahaan in qof jooga gurigiisa laga xakumo Maxkamad si Online ah. sidoo kale maanta waxaa laga maarmay in Qaamuusyadii Buugaagtii ha ahaado mid Cilmi iyo mid Taariiqeed. wallal waa run tasi lakin esangana musiibadisa aya wata xuman iyo saman aya is daba socota internet waa cajiib

marka la fiirsho xaga isku xirka aduunka