Hadii Antarktika la barbardhigo qaarada Ustareliya weey ku labo laabmaysaa, taasi micnaheedu waa in Ustareliya le'egtahay kala badh Antarktika. Sida la ogyahay ilaa 98% qaarada Antarktika waxaa qariyahay baraf kaasi oo leh dhumuc dhan 1.9 kilomitir (1.2 mayl), kuna fidsan dhamaan deegaanada qaarada marka laga reebo qeybta waqooyi oo kali ah.
Isku celcelis, qaarada Antarktika waa tan ugu qaboow, qalalsan, ee ugu dabaysha badan qaaradaha caalamka oo dhan. Sidoo kale waxay leedahay deegaano badan oo ugu dhaadheer jooga dhulka.
Juquraafi ahaan marka laga hadlayo deegaanada Antarktika waxaa lagu tiriyaa lamadegaan (saxare), sababtoo ah waxaa ka da'a roob aad u yar oo mararka qaar ka yar 200 mm (8 in) kaasi oo ku da'a deegaanada xeebaha oo kali ah.
Sidoo kale waxaa xusid mudan heerkulka Antarktika, wuxuu inta badan yahay −89 °C (−129 °F), in kastoo marka la iskucelceliyo guud ahaan noqonayso −63 °C (−81 °F).
Dhinaca kale, qaarada Antarktika ma lahan dad si joogto ah ugu dhaqan ama nool deegaanadaadi. Laakiin waxaa wakhtiyo badan oo sanadka ah jooga tiro Saynisyahano iyo cilmibaadhayaal ah oo u dhexeeya 1,000 ilaa 5,000 qof kuwaasi oo ku baahsan dhinacyada qaarada.
Noolaha sida dabiiciga ah looga helo qaarada Antarktika waxaa ka mid ah algae, bakteeriya, fungi, xoogaa yar oo dhir ah, brotista, iyo noocyo kooban oo xayawaan ah, sida takfida, qooleeyda, sealska, iyo tardgrade. Dhirta ugu caansan ee laga helo deeganku waa tundra.
Guud ahaan, qaarada Antarktika waa meel aan la kala lahayn (de facto), laakiin waxaa maamula oo gacanta ku haya dowladaha saxeexay "Nidaamka Heshiiska Antarktika". Heshiiskaasi waxaa sanadkii 1959kii saxeexay labo iyo toban wadan, wakhtiyadii ka dambeeyayna waxaa saxeexa ku biiray ilaa 39 wadan kale. Heshiiskaasi wuxuu meesha ka saarayaa in qaarada Antarktika loo isticmaalo siyaabo milatari, in hubka lagu tijaabiyo, in wasakhda hubka lau aaso ama la keeno, in la taageero ajandaha cilmi-baadhista, in macdan laga qoto iyo in la ilaaliyo hawada nadiifta ah ee qaarada.
Wadanadii ugu horeeyay waxaa ka mid ah Arjantiina, Ustareliya, Beljimka, Jili, Faransiiska, Jabaan, New Zealand, Norway, Koonfur Afrika, Ruushka, Ingiriiska iyo Maraykanka
Cilmibaadhista ka socota qaarada waa mid caalami ah oo ilaa 4,000 aqoon yahay oo caalamka ka kala socda joogaan. (SII AQRI)
Wikipedia (loogu dhawaaqo ˌwiˑkiˈpidi.ə). Waa bar laga helo Web-ka oo ah Qaamuus qoran. Waxaa qorey dad iskood ugu qora luuqadadooda oo aan dawlad ama haayadi diran. Qofkwalba oo guriga khatka internetka ku heysta, yaqaanana sida loo isticmaalo wuu ka qeybqaadan kaaraa Qaamuuskan oo sidii cilmi Soomaaliga ku qoran loo soo gelin lahaa halkan. Arintan oo la bilaabay 2001 Ingiriiskuna (english) ugu horeysey ayaa waxaa ku xigey luuqado badan oo kuwa ugu waaweyn ay yihiin Jarmal , Faransiis , Isbanish iyo Talyaani.
Taariikhdu markii ay ahayd 18/01/2012 ayaa waxa hawada ka baxay wikipedia laakiinse isla maalin ka bacdiba waa ay ku soo noqotay hawada.
Wikipediyahaan waxaa ku qoran Af-Soomaali. waxaa la bilaabay 2001, hadda waxaa ku jirto in kabadan 7,944 oo maqaal. Luqadaha kale oo ugu waa weyn hoostaan ee ku tixanyihiin