Suurad

Ka Wikipedia
Jump to navigation Jump to search

Suurad Fiiri Jadwalka Boqol toban iyo afarta Suuradood ee Quraanka Kariimka ah[1][2]

Suurada ugu horeeysa Quraanka kariimka ah ee Suuratul-Al-Faatixa.

Suurad Suurah Suuratu (ingiriis: sura, surah, surat; carabi: ﺳﻮﺭﺓ; ama wadar ahaan: ﺳﻮﺭ suwar, sidoo kale sūrah)[3] waa maqaro bog ama bogag aayado ka mid ah Quraanka kariimka ah ee Alle (s.w.t) ku soo dejiyay Nebi Muxamed Mohamed peace be upon him.svg (n.n.k.h). Kitaabka Quraanka kariimka ah wuxuu ka kooban yahay boqol toban iyo afar Suuradood oo u sii kala baxa tiro badan oo aayado ah.[4][5]

Dhererka Suuradaha Quraanku way kala duwan yihiin, tan ugu gaabani waa Suuratul-Al-Kawsar oo ka kooban 3 aayadood; halka suurada ugu dheeri tahay Suuratul-Al-Baqara oo ka kooban 286 aayadood.[6][7] Boqol toban iyo afarta suuradood ee kitaabka Quraanka kariimka ah waxay kala yihiin 86 suuradood oo ah Makki iyo 28 Madani ah. Kala soocida noocan ah waxaay salka ku heeysaa meesha ay suuraduhu ku soo dageen, oo ka hor intii aanu Nebi Muxamed Mohamed peace be upon him.svg ka tagin magaalada Makkah quraanka ku soo dagay waxaa loo yaqaanaa Makki,[8] halka markuu Nebigu Mohamed peace be upon him.svg u hijrooday magaalada Madiina waxyigii iyo quraankii ku soo dagay ay noqonayaan Madani.

Hadaba suuradahaMakkiga ahi waxay ka waramaan aakhirada iyo xoojinta iimaanka, halka suuradaha Madaniga ahi ay sharaxaan nolosha, isku-xidhnaanta iyo is-habeynta bulshada Islaamka ah.[9] Marka laga reebo Suuratul-Al-Tawba,[10] dhamaan suuradaha kale waxay ku bilaabmaan "Ku Bilaabida Magaca Alle ee Naxariista mid gaar iyo mid guud" (ﺑﺴﻢ ﺍﻟﻠﻪ ﺍﻟﺮﺣﻤﻦ ﺍﻟﺮﺣﻴﻢ) Bismi Allahi al-Raxmaani al-Raxiimi.[11] Midani waa tan kala soocda isla markaana kala saarta Suuradaha ku jira Kitaabka Quraanka Kariimka ah.

Dhinaca kale, qeyb ka mid ah Suuradaha ama suurada oo dhamaystiran ayaa la akhriyaa wakhtiga lagu gudo jiro tukashada salaada taasi oo rakcad kasta lagu bilaabo Suuratul-Al-Faatixa oo dhamaystiran.[12]

Sharaxaada Suurad[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Erayga suurat waxaa markii ugu horeeysay isticmaalay Nebi MuxamedMohamed peace be upon him.svg si uu ugu kala saaro iyo kala sooco qeybaha Quraanka kariimka ah. Taasi oo ku dhex jirta aayado Alle (s.w.t) soo dajiyey sida ku cad 24:1 "Waxaanu kugu soo dejinay suurado wata cadaymo, iyo waxaanu kugu soo dirney calaamado, calaamado cad-cad, kuwaasi oo si farxad leh aad ku xasuusani."[13]

Dhinaca kale, wadarta suurad waa suwar sida ku xusan Quraanka kariimka, aayadahan oo fasirka af-Soomaali ku noqonaya "Ma waxay dhaheen isagaa Allifay? Ku dheh "La yimaada toban suwar oo la mid ah (waa Quraankee) una yeedha cid kasta marka laga reebo Alle, haddii aad run sheegaysaan."[14][15][16]

Sida Loo Helo Waddada Jannada?[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Diwaanka Suuradaha Quraanka [wax ka badal | wax ka badal xogta]


Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. Islām—The Way to God by Submission (en)
  2. Iimaan Run ah Waa Waddada Nolol Farxad Leh
  3. "Suurad Suurah Suuratu (ingiriis: sura, surah, surat; carabi: ﺳﻮﺭﺓ; ama wadar ahaan: ﺳﻮﺭ suwar, sidoo kale sūrah)"
  4. "waa maqaro bog ama bogag aayado ka mid ah Quraanka kariimka ah ee Alle (s.w.t) ku soo dejiyay Nebi Muxamed Mohamed peace be upon him.svg (n.n.k.h)."
  5. "Kitaabka Quraanka kariimka ah wuxuu ka kooban yahay boqol toban iyo afar Suuradood oo u sii kala baxa tiro badan oo aayado ah"
  6. "gaabani waa Suuratul-Al-Kawsar oo ka kooban 3 aayadood"
  7. "suurada ugu dheeri tahay Suuratul-Al-Baqara oo ka kooban 286 aayadood"
  8. "Makkah quraanka ku soo dagay waxaa loo yaqaanaa Makki"
  9. "aakhirada iyo xoojinta iimaanka, halka suuradaha Madaniga ahi ay sharaxaan nolosha, isku-xidhnaanta iyo is-habeynta bulshada Islaamka ah"
  10. "Suuratul-Al-Tawba"
  11. "Ku Bilaabida Magaca Alle ee Naxariista mid gaar iyo mid guud" (ﺑﺴﻢ ﺍﻟﻠﻪ ﺍﻟﺮﺣﻤﻦ ﺍﻟﺮﺣﻴﻢ) Bismi Allahi al-Raxmaani al-Raxiimi.
  12. "tukashada salaada taasi oo rakcad kasta lagu bilaabo Suuratul-Al-Faatixa oo dhamaystiran"
  13. "aayado Alle (s.w.t) soo dajiyey sida ku cad 24:1 "Waxaanu kugu soo dejinay suurado wata cadaymo, iyo waxaanu kugu soo dirney calaamado, calaamado cad-cad, kuwaasi oo si farxad leh aad ku xasuusani.""
  14. Robinson Neal Discovering the Qurʼan: A Contemporary Approach to a Veiled Text, 2003, Georgetown University Press, 25–97
  15. Qran.org: Quran Verses in Chronological Order
  16. Chronological Order of Quranic Surahs Archived Jannaayo 13, 2018 // Wayback Machine by Kevin P. Edgecomb (2002).