Maqaal Xul ah
|
Dhir (; ) sidoo kale loo yaqaano Dhirta Cagaaran waa noole ka samaysan unugyo badan oo isku xidhan taasi oo ka baxda oogada sare ee dhulka. Dhirtu waa kalmada jamcisa dhamaan geedaha noocaydooda kala duwan ee laga helo carada dusheeda, biyaha dhexdooda, buuraha iyo meelo badan oo kala duwan.
Waxa jira noocyo badan oo dhirta ah kuwaasi oo lagu qiyaaso in ay ka kooban yihiin ilaa 375,000 oo nooc. Guud ahaan dhirtu waxa ay ka kooban tahay qaar iniinyo leh (Seed plants) iyo qaar aan lahayn. Waxa kale oo ay ka kooban tahay qaar qodax leh iyo qayb aan qodax lahayn haba yaraatee. Qeybaha rasmiga ah ee dhirtu waa dhirta ubaxa leh (flowering plant), caleen-yare (carnifers), feerno, Lycopodiopsida, jirid-yare, algiya, caleenley iyo shurub.
Dhirtu waxay ka mid tahay Nooleha.
Sidoo kale, dhirtu waxay leedahay unugyo-dahaadhan (cellwalls) kuwaasi oo u suurta geliya ineey sameeysato cunto ayadoo isticmaaleysa ileyska qoraxda, biyo iyo kaarboon-labo-ogsajiin. Dhirtu waxay manaafacaad iyo faa'iido badan u leedahay dunidan aan ku noolnahay; waxay suurto-gelisaa in hawada ka soo saart kaarboonka isla markaana ku sii deeyso hawada Ogsajiin oo ah mida teegeerta nolosha xayawaanka iyo dadka. Intaas waxaa dheer in dhirtu soo saarto midho, caleemo, jirid iyo xidido kal duwan taasi oo ay quud iyo cunto ka dhigtaan dhamaan noolaha intiisa kale ee xayawaanka iyo dadku ka midka yihiin.
Guud ahaan waxaa jira noocyo badan oo dhir ah; kuwaasi waxaa ka mid ah: beeraha, keymaha, iyo dhuldaaqsiimeedka.
Maadaama juqraafiga dhulku kala duwan yahay, meelaha dhirtu ka baxdo aduunyada weey kala duwan tahay. Meelaha qaar waxaa ka baxa kumanaan nooc oo dhir ah, halka deegaanada qaar (sida saxareha ama lamadegaanka) ay ku yar tahay dhirtu. Maadaama noloshu ku tiirsan tahay dhirta waxaa waajib ah in la ilaaliyo jiritaanka, koritaanka iyo caafimaadka dhirta.
Dhirtu waa noolaha kali ah ee cuntadiisa diyaarsada ayagoo isticmaalaya nidaam loo yaqaano Habka Samayska Cuntada. (SII AQRI)
|
Waa maxaay Wikipedia ?
|
---Qaabka aad wax uga bedeleyso FG. Luqada waa english
Wikipedia (loogu dhawaaqo ˌwiˑkiˈpidi.ə). Waa bar laga helo Web-ka oo ah Qaamuus qoran. Waxaa qorey dad iskood ugu qora luuqadadooda oo aan dawlad ama haayadi diran. Qofkwalba oo guriga khatka internetka ku heysta, yaqaanana sida loo isticmaalo wuu ka qeybqaadan kaaraa Qaamuuskan oo sidii cilmi Soomaaliga ku qoran loo soo gelin lahaa halkan. Arintan oo la bilaabay 2001 Ingiriiskuna (english) ugu horeysey ayaa waxaa ku xigey luuqado badan oo kuwa ugu waaweyn ay yihiin Jarmal , Faransiis , Isbanish iyo Talyaani.
Taariikhdu markii ay ahayd 18/01/2012 ayaa waxa hawada ka baxay wikipedia laakiinse isla maalin ka bacdiba waa ay ku soo noqotay hawada.
|
Wararka Wiki – Dhacdooyinka Hadda iyo dheeraad...
|
|
|
|