Canbuulo
- Boga "fuul" waxaa laga soo toosiyay halkan.
Canbuulo lagu daray ukun | |
Magac kale | Fūl, fuul |
---|---|
Ka tirsan | Quraac, Qado, Casho |
Asal ahaan | Masar, Soomaaliya |
Ka kooban | digir waweyn, saliid, xawaash |
Kala duwanaan | Liin qarboosh, basal, kamsar, toon, basbaas |
Sidoo kale fiiri: Cunto Soomaali • Cunto • Raashin (Qureec, Qado, Casho) |
Canbuulo, Fuul (Af-Carabi: فول مدمس, Af-Ingiriis: Ful medames; loogu dhawaaqo: fūl midammis , fuːl meˈdæmmes) waa cunto laga diyaariyo digir waweyn, saliid, xawaash, liin qarboosh, basal, kamsar, toon, iyo basbaas. Sidoo kale waxaa marka la karinayo lagu daraa noocyo kale oo cunto ah si dhadhanka loo macaaneeyo. Sidoo kale, cuntadan fuulka waxaa lagu qasaa suugada midaasi oo lagu darsado noocyada kala duwan ee raashinka. Fuulka ama canbuulada waxaa loo diyaariyaa noocyo kala duwan. Deegaano badan oo ka mid ah dhulka Soomaalidu degto waxaa fuulka lagu kariyaa biyo, milix iyo saliid kaliya; marka ay bislaato waxaa lagu darsadaa subag, saliid macsar, sonkor, malab iyo caano. Intaas waxaa dheer in fuulka loo diyaarin karo qaabka suugada ayadoo la shiilayo.
Guud ahaan cambuulada waxaa laga cunaa meelo badan oo caalamka ah, gaar ahaan Bariga Afrika, Bariga Dhexe, Waqooyiga Afrika iyo meelo kale oo caalamka ah.[1]
Qoraalka gudaha oo kooban
Taariikh[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]
Qaar ka mid ah qoraaga caalamka waxay sheegeen in fuulka laga beeran jirey deegaanada Masartii hore iyo nawaaxigeeda wakhti ku beegan qarnigii 5aad C.H.
Sidoo kale, cilmibaadhis arkiyooloji ah waxaa lagu ogaaday in wakhti imika laga joogo 2,600 sano ka hor in cambuuladu ka bixi jirtey deegaanka Nasareeth ee Bariga Dhexe.[2]
Nafaqada[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]
Inkastoo nafaqada cambuuladu ku tiirsan tahay nidaamka loo kariyo iyo waxyaabaha lagu daro, 200 giraam fuul ahi wuxuu leeyahay nafaqadan:[3]
- Kaloriy: 342
- Duxda (g): 27
- Baruurta (g): 4
- Kolestarool (mg): 0
- Kaarbonhydrate (g): 20
- Borotiin (g): 7
Muuqaalka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]
Qoraalo La Xidhiidha[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]
Linkiyo Banaanka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]
- Step-by-step guide
- Ottolenghi, Yotam. "The perfect hummus debate", The Guardian, June 29, 2010.
- Cuisine and Culture: A History of Food and People by Linda Civitello
- National Museum of Pasta Foods – Rome, Italy
- Pasta Facts – Facts about pasta
Tixraac[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: |