Maqaal Xul ah
|
Turkiga (Af-Turki: Türkiye) sida rasmiga ah loo yaqaan Jamhuuriyadda Turkiga (Af-Turki: Türkiye Cumhuriyeti; dhageyso) waa dal ku yaal Bariga Dhexe. Xuduudna woqooyiga kala leh Badda Madow iyo Joorjiya dhanka barina Armeeniya iyo Iiraan dhanka koofureedna Ciraaq iyo Suuriya iyo Bada Midatareeniyanka sidoo kale xuduud badeed la leh Qubrus dhanka galbeed Badda Aajen iyo Giriig iyo Bulgaariya. waana xubin ka mid ah Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Badda Madow.
Turkiga dal cilmaani dimoqraadi ah, xuduudihiisa, Jamhuuriyad dastuuri ah lehna dhaqan iyo ilabaxnimo fog. Turkiga waxa uu noqday mid meel weliba ka dhisan una sii dhawaanaya reer galbeedka asigoo ka mid ah ururro badan sida Golaha Yurub iyo Gaashaanbuurta NATO, Ururka Iskaashiga Horumarka Dhaqaale, Ururka Ammaanka iyo Iskaashiga Yurub iyo xitaa Kooxda Labaatanka (dhaqaalayoowga ugu badan adduunka). Turkiga wuxuu bilaabay wadahadalo ku saabsan ka mid ahaanshaha xunin joogta ah Midowga Yurub, sanaddii 2005 iyadoo la ogyahay in uu ka mid ahaa Suuqa ka dhaxeeya Yurub laga soo bilaabo sanadihii 1963, sanaddii 1995, waxaa la isku afgartay heshiis midowga canshuuraha. Turkiga waxa uu xoojiyay sidoo kale xiriirka Dhaqanka, Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Warshadaha ee Bariga Dhexe, dawladaha turkiga ee Aasiyada Dhexe iyo dalalka Afrika asiga oo ka mid ah ururada sida Golaha Turkiga, iyo maamulka midaysan ee fanka iyo dhaqanka Turkiga, iyo Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha. Barta uu ku yaal Turkiga waa meel kala bayr u ah Yurub iyo Aasiya kaasoo ka dhigay dal muhim u ah iyo Joyoistaraatiijig. Barta uu turkiga ku yaal ee istaraatiijiga, iyo dhaqaale iyo awood weyn oo ciidan ah, waxa uu ka dhiganyahay awood goboleed weyn.
Waxaa ku yaal gacanka Boosfoor iyo Dardaniil iyo Badda Marmara - kaasoo kuu gudbinaya Badda madow Badda Aajen oo xiriirisa Aasiya iyo Yurub - kulkiisa taasoo ka dhigaysa Turkigu in uu yahay Istaraatiiji saameeye dalalka dhaca Badda Madow.
Turkiga wuxuu ahaa xarunta xukunka dawladdii cusmaaniyiinta ilaa sanadkii 1922C.D ilaa laga aasaaso Jamhuuriyadda Turkiga sanaddii 1923 gacantii Mustafa Kemal Atatürk. (SII AQRI)
|
Maqaal Cusub
|
'Dhax kujir waa wadan oo laheen wax bad ah. aduunka waxaa ku yaalo, wadamo gaaraayo 44 oo badda ka xirantahay. dowladaha qaarkood kuwa u dhaw badda, waxaa dhacday in ee marki hore badda u furnaan jirtay. Laakinsa marka ee gobolo ka xoroobeen, ee ku soo baxeen, wadamo Dhax kujir ah.
tusaale ahaan, xoreentii Eratareya iyo Montenegro, waxee u aqoonsadeen, wadamada Itoobiya iyo Serbia in ee badda arkin. sanadkaan aa ku jirno, badda waa muhiim, markii la fiiriyo, dhinaca dhaqaalaha, iyo kaluumeesiga (SII AQRI)
|
Xusuusta Wikipedia
|
|
Waa maxaay Wikipedia ?
|
---Qaabka aad wax uga bedeleyso FG. Luqada waa english
Wikipedia (loogu dhawaaqo ˌwiˑkiˈpidi.ə). Waa bar laga helo Web-ka oo ah Qaamuus qoran. Waxaa qorey dad iskood ugu qora luuqadadooda oo aan dawlad ama haayadi diran. Qofkwalba oo guriga khatka internetka ku heysta, yaqaanana sida loo isticmaalo wuu ka qeybqaadan kaaraa Qaamuuskan oo sidii cilmi Soomaaliga ku qoran loo soo gelin lahaa halkan. Arintan oo la bilaabay 2001 Ingiriiskuna (english) ugu horeysey ayaa waxaa ku xigey luuqado badan oo kuwa ugu waaweyn ay yihiin Jarmal , Faransiis , Isbanish iyo Talyaani.
Taariikhdu markii ay ahayd 18/01/2012 ayaa waxa hawada ka baxay wikipedia laakiinse isla maalin ka bacdiba waa ay ku soo noqotay hawada.
|
Dhacdooyinka hadda
|
- Malaysia Airlines Flight 370 (sawirka diyaaradda), kasoo kacday Kuala Lumpur kuna socotay Beijing lana socdeen 239 qof, ayaa lagu waayey Gacanka Thailand.
- Maxkamadda dembiyada dagaalka ayaa ku heshay nin u dhashay kongo ee Germain Katanga dembi.
- 2014 Winter Paralympics 2014 Winter oo la furay Sochi, Ruushka.
- Gobol Ukrain ka mid ah oo la modoobaya Ruushka kuna biiraya Federeeshinka ruushka.
- Gudoomiyaha gobolka Banaadir Muungaab ayaa booqday qaar ka mid ah dagmooyinka xamar.
Warar dheeraad ah...
|
Wiki Wararka – Dhacdooyinka Hadda iyo dheeraad...
|
|
|
Hooyga Wikiga
|
Waxyaabaha ku jira · Hooyga Wikiga · Qaybaha Guud · Lagu soo koobay Xul · Tusmo A-Z
|
Ma Ogtahay...
|
Dhulka waa meereha saddexaa ee qoraxda u dhow ama Baho cadceedeed. Waa meeraha ugu mugga iyo miisaanka weyn iyo midka shanaad ee ugu xajmiga weyn sideedda meere eeBaho cadceedeed.
Dhulka waxa lagu naaneeysaa Meeraha Midabka Buluugan sababtoo ah marka hawoda sare laga soo eego waxa muuqda midabka buluuga.
Dhulku waa meereha kaliya ee nolol ka jirto dhamaan meereyaasha aan naqaano, waxa lagu qiyaasaa meeraha dhulka in da'diisu ku dhowdahay 4.5 bilyan oo sanno.
Dhulka isku-wareegiisa (Circumference) waa 40,007.86 km marka laga xisaabayo dhul badheha, sidoo kale baaxada guud ee oogada dhulku waa 510,072,000 km2 - taas oo ka kooban 148,940,000 km2 dhul ama caro iyo dhagax ah una dhiganta 29.2 %; iyo 361,132,000 km2 biyo iyo bad ah, taas oo u dhiganta 70.8 %.
Muga dhulku waa 1.08321 ×10 12 km3 halka cufka meeraha dhulku yahay 5.97219 ×10 24 kg.
Sidoo kale, miisaanka cuf ee dhulku waa 5.515 g/cm3, halka cufisjiidadka dhul badhehu yahay 9.780327 m/s2 taas oo u dhiganta 0.99732 g.
Cadaadiska dunidan waa 101.325 kPa (MSL).
Heerkulka oogada sare ee dhulku waa meel dhexaad taas oo ah mida taageertay in nolol ka jirto meerehan. Kulka iyo qaboowga dhulku wuu kala duwan yahay ayadoo Cidhifyada (polars) oogu heerkul hooseeyo taas ka dhigtey qaboow badan, laakiin meelaha ku beegan dhul badheha ayaa ugu heerkul sareeya dunida.
Guud ahaan, heerkulka dunidu marka ugu hooseeyo wuxuu gaadhaa 184 K ama −89.2 °C, dhex-dhexaad markuu yahay heerkulku waa 15 °C ama 288 K, marka uu ugu sareeyo kuleeylku wuxuu gaadhaa 56.7 °C ama 330 K.
Cirka ama Samoda sare ee dunidan aan ku nool nahay waxay ka sameeysan tahay 78.08% curiyeha nitrojiin (N2) taas oo ah hawo, 20.95% ogsajiin (O2),
0.93% argon, 0.039% Kaarboon-dhaya-ogsaadh (C2O) iyo qiyaastii 1% uumi biyo ah (in kastoo mararka qaar kala duwan tahay cimilodu).
- MAQAALKA SII AQRI · Maqaallo kale oo Kala duwan
|
Ma ogtahay dheeraad ka sii aqriso halkaan...
|
Sawirka Maanta
|
|
Soo Bandhig Sawirkaada Xulka ah
|
Waxaa La Yiri
|
5
Afar walxaato dha ku taal
soomaalidoo dhan waa dhibkeed:
(1).Inta dhigeyga meel dhigtaan
dheeraad rabaahu waa dhibkeed
(2.)Dhibya xumoon dhamaad leheyn
abaal ladhaamo waa dhibkeed
( 3).Dhaqanya marti dhowrideed
in lagu dheelo waa dhibkeed
(4.)Dhulkaaga igusoo dhaweey
dhaxalna sheego waa dhibkeed.
Shirib
|
Wiki – Oraah Kale
|
|
Expression error: Unexpected < operator. round 0 }}
Federaal: waaxaa soo batay maalmahaan oraahda ah soomaaliya waa Federaal, Dastuurka Soomaaliya ee ah Federaalka Waxaa haboon in la dhaho: Sida Saxda ah waa Jamhuuriyadda iyo Dastuur KMG
| maadaama aan afti dadweyne lagu ansixin
|
Wikit – Fiira gaar ah ee kale
|
|