Bogga Hore

Ka Wikipedia
Jump to navigation Jump to search
Ku soo-dhawoow Wikipedia

Insaykalobeedhiya xorta ah e qofwalbana wax ka bedeli karo

Wikipedia Soomaaliga waxaa ku jirta 5,724 maqaal, Hubi gaarista ama habka mobilka
Link=Wikipedia:Maqaallo Xul Ah Maqaal Xul ah
caasimada Jamhuuriyadda Soomaaliya

Muqdisho (Af-Taliyaani : Mogadiscio, Carabi: مقديشو, Xamar, Carabi: حَمَر) waa caasimada Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxa ayna ku taalaa galbeedka Badweynta Hindiya, waa magaalo qurux badan oo indhuhu soo jiitaan, oo aay badweynta Hindiya kaga wareegsan tahay saddex jiho.

Waxaa magaalada Muqdisho dhidibada loo aasay waqti aad u fog oo aay taariikhyahanada isku qilaafeen in magaaladani la aas'aasay qarnigii 2aad ama kii 3aad ee taariikhda miilaadiga.

Muqdisho waxey ahaan jirtay xarun ganacsi iyo marin kala qeybiya Hindiya iyo Yurub (inta aan la qodin Kanaalka Suwees) iyo jaziirada carabta iyo xeebta Afrikada bari Magaalada Muqdisho waxey ka koobnaan jirtay 6 xaafadood ama tuulo oo aay deganaayeen qabaail, xaafad kasto waxaa xukumi jiray Sheekh, xaafadaha waxey lahaayeen golaha odayaasha sida qaabka federaalka ah oo kulmiya dhamaan xaafadahaas loogana tashan jiray arimaha magaalada Qarnigii 4aad ee miilaadiga magaalada Muqdisho isku badashay nidaam ama maamul u eg saldanad.

Waxaa kaloo Taariikhyahanada isku qilaafeen magaca (Muqdisho) asal ahaan meesha uu kasoo jeedo, waxaa lasheegay in magaalada markeedi hore la dhihi jiray (Xamar) iyo magacyo kale oo lamid ah sida (Xamar weyne) xamar jab jab (Xamar Cade), xamar iyo xamar daye waxaa macquul ah in magacyadaas dhamaan magaalada loogu yeeri jiray waqtiyo kala duwan aay magaalada qadiimka ah aay soo martay, sida isbadalada xaga qaabka dhismaha , degaanka iyo siyaasadaba Qaar kamid ah taariikhyahanada ayaa waxey cadeeyeen magaca (XAMAR ) uu horeeyay , laakinse hadana waxaa aay isku qilaafeen micnaha Xamar , oo ah magac bulshadu aad u taqaan weliba dhanka suugaanta iyo maah maahyada , Soomaalida ilaa iyo waqtigaan aan ku jirno wey adeegsadaan magaca Xamar. (SII AQRI)

Link=Wikipedia:Maqaallo Cusub Maqaal Cusub
Koonfur Suudaan

Koonfur Suudaan ama Jamhuuriyada Koonfurta Suudaan waa dal ku yaal bariga afrika waxaana caasimada u ah Jubba waxeey xad la wadaagtaa Suudaan oo ka xigta woqooyiga, Itoobiya oo ka xigta bariga, Yugandha, Kenya oo ay ka xigaan koonfurta, iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika oo ka xigta galbeedka. Koonfurta suudaan waxey mar ka mid ahaan jirtay dalka Suudaan, waxayna kala go'idooda u sabab noqotay 2dii dagaal ee Suudaan, waa markii ee Koonfurta Suudaan noqotay gobol ka madax banaan. Shacabka reer Koonfur Suudaan waxaa afti laga qaaday 9 Janaayo ilaa 23 Janaayo 2011, waxayna 98,83% doorteen in ay go'aan. Taariikhda markay ehayd 9kii Febraayo 2011, Koonfurta Suudaan waxay ka mid noqotay Qaramada Midoobay, sidaas darteed waxay noqotay wadanka 193aad ee caalamka ama wadanka 54aad ee Qaarada Afrika. Ma jirto taariikh horay looga qoray Koonfurta Suudaan, laakiinse waxaa jirto hadalo afka laga soo dhahay, oo ah in Koonfurta Suudaan markeeda hore ee wada degenaan jireen dad reer baadiya ah, intii aysan imaanin qoomiyadaha Dinka iyo Nuer sanadihii 800. Taariikhda marka ay eheed 1822kii Woqooyiga Suudaan waxaa qabsaday Cusmaaniyiinta Masar, Koonfurta Suudaan way madax banaaneed, laakiin 1899kii ayaa Ingiriiska iyo Masaarida qabsadeen dhamaan woqooyiga iyo koonfurtaba. Sanado yar ka hor intii ay Suudaan ka madaxbanaaneed Ingiriiska, wuxuu Koonfurta Suudaan iyo Woqooyiga Suudaan ula dhaqmi jiray gobolo kala go'an, sababo la xiriiro cabsi laga qabay cuduro. Gobolada waxay xornimadooda heleen 1956kii. Intii aysan madaxbanaanidooda si rasmi ahaan u helin 1955kii, Koonfurta Suudaan iyo Woqooyiga Suudaan waxaa dhexmaray dagaalo oo ay Koonfurta Suudaan ku diidayso in ay hoostagto caasimada Khartuum, dagaaladaas waxay noqdeen kuwa aad u xun oo xukumada Khartuum ku layneeso shacabka Koonfurta Suudaan. (SII AQRI)

Link= Xusuusta Wikipedia
Maanta Oo Kale


Xusuusta dhacdooyinka maanta

Xusuusta Dhacdooyinka Maanta :

Kuwa ugu muhiimsan Xusuusta dhacdooyinka sanadkaan - Maalmaha sanadkaan oo dhan

Link= Waa maxaay Wikipedia ?
---Qaabka aad wax uga bedeleyso FG. Luqada waa english

Wikipedia (loogu dhawaaqo ˌwiˑkiˈpidi.ə). Waa bar laga helo Web-ka oo ah Qaamuus qoran. Waxaa qorey dad iskood ugu qora luuqadadooda oo aan dawlad ama haayadi diran. Qofkwalba oo guriga khatka internetka ku heysta, yaqaanana sida loo isticmaalo wuu ka qeybqaadan kaaraa Qaamuuskan oo sidii cilmi Soomaaliga ku qoran loo soo gelin lahaa halkan. Arintan oo la bilaabay 2001 Ingiriiskuna (english) ugu horeysey ayaa waxaa ku xigey luuqado badan oo kuwa ugu waaweyn ay yihiin Jarmal , Faransiis , Isbanish iyo Talyaani.

Taariikhdu markii ay ahayd 18/01/2012 ayaa waxa hawada ka baxay wikipedia laakiinse isla maalin ka bacdiba waa ay ku soo noqotay hawada.

Local-time.svg Dhacdooyinka hadda

9M-MRO, the missing Malaysia Airlines aircraft, in 2011

  • Malaysia Airlines Flight 370 (sawirka diyaaradda), kasoo kacday Kuala Lumpur kuna socotay Beijing lana socdeen 239 qof, ayaa lagu waayey Gacanka Thailand.
  • Maxkamadda dembiyada dagaalka ayaa ku heshay nin u dhashay kongo ee Germain Katanga dembi.
  • 2014 Winter Paralympics 2014 Winter oo la furay Sochi, Ruushka.
  • Gobol Ukrain ka mid ah oo la modoobaya Ruushka kuna biiraya Federeeshinka ruushka.
  • Gudoomiyaha gobolka Banaadir Muungaab ayaa booqday qaar ka mid ah dagmooyinka xamar.

Warar dheeraad ah...

Wiki WararkaDhacdooyinka Hadda iyo dheeraad...

Link=Wikipedia:Hooyga Hooyga Wikiga

Waxyaabaha ku jira · Hooyga Wikiga · Qaybaha Guud · Lagu soo koobay Xul · Tusmo A-Z

PL Wiki CzyWiesz ikona.svg Ma Ogtahay...

Amiibada waxay ka mid tahay xayawaannada kuwa ugu dhismo sahlan inta la yaqaan. Waxay ku nooshahay dhoobada iyo jidhaamaha guntooda, wayna adagtay in isha lagu arko. Saxar aad u yar bay le'egtahay. Dheererkeeduna wuxuu gaari karaa 0.025 sm.

Haddii la qeexo waxaa lagu tilmaami karaa xab nool. Waxaad moodaa marka la arko in aan nafi ku jirin. Iyada oo intaas le'eg bay waxay doonto qabsan kartaa, wey tarmi kartaa, wax cuni kartaa, socon kartaa, wax qaban kartaa sida noolaha kale. Haddii aad si fiican ugu eegtid weyneeysada ameebadu waxay u egtahay cuf ma-qumane ah oo ka samaysan borootobalaasma u eg xab. Waxaana ku wreegsan xuub balaasma oo aad u sar yar. Marka aad u fiirsatid amiibada firfircoon, waxaad arki dooontaa in saytoobaalsamkeedu qulqulaayo, saytoobalaasamkaa qulqulaaya ayaa ayaa cadaadiya xuubka balaasmaha, sameeyana tuuro loo yaqaan addimobeeneedyo.

Saytoolaasamku laba nuuc ayuu u kala baxaa. Balaasma duleed waa inta ku xigta xuubka unugga, waxaana la moodaa biyo nadiif ah. Balaasma gudeed waana saytoobalaasamka inta ka hoosaysa balaasma duleedka. Balaasma duleedka wuu ka culus yahay balaasma gudeedka, waxaana la moodaa xab midab dambas le. Bu'da waxay ku dhex jirtaa balaasma gudeedka, waxayna u egtahay sidii wax xuub ku wareegsan yahay oo kale. waxaana balaasma-gudeedka ku dhex jira saxarro aad u yaryar, kaasoo ah haraagii noolihii yaryaraa ay dheefshiidday. Saxarradaa yaryar waxaa ku wareegsan hoor sidii xumabada ah oo uu ku wareegsanyahay xuub, Daloolkaasna waxaa loo yaqaan doalool cunteed.

Dareenka amiibada Amiibada malaha xubno ay wax ku dareento, waxaase jirta in sytoobalaasamka dhamiba deegaanka dareemi karo. Tusaalo ahaan haddii aysid ama alkol barxan lagu shubo agagaarka amiiba nool, si tartiib ah ayeey uga faagataa labadooda.

Marka ay amiibadu la kulanto wax ay cuni karto, way liqdaa iyad oo ku xaraya dhibco biyo ah, iyo addin-beeneedyada. Qayb ka mid ah xuubka amiibada ayaa wuxuu noqdaa liid ku wareegsan dalool cunteed ku dhex jira saytoobalaasamka. Xuub kale oo cusub ayaa si dhaqsi ah uga samaysa oogada, halkii dalool cunteedku unugga ka soo galay. Dheefta xayawaanka waxaa shiida insaymyo usii daaya saytoobalaasamku, insaymyadaas oo u gudba xagga dalool cunteedka oo la falgala walxaha cuntada ku jira. Dheefta la shiiday waxaa nuuga saytoobalaasamka, waxaana laga helaa tamarta ay ubaahantahay amiibadu iyo walxaha kale ee lagu suubin karo borotoobalaasamka. Saxarrada la dheefshiidi kari waayana waxay ku haraan dalool cunteedka waxayna ka bixi karaan meel kasta oo xuubka ah, oo ay debedda ubixi karaan.

MAQAALKA SII AQRI · Maqaallo kale oo Kala duwan
Ma ogtahay dheeraad ka sii aqriso halkaan...
Link= Sawirka Maanta

Daruur .

Daruur .

Link= Soo Bandhig Sawirkaada Xulka ah

Link= Waxaa La Yiri
3
Left pointing double angle quotation mark.svg 

Minjo dhooqo leh, marba mid baa la siibaa ama la'qadaa *** Naag, naag ka umulisay iyo nin reer u weyni, midna siday wax u ogyihiin uma sheegaan.

Xoolo quureed waa la qaataa, soor quureedse lama qaato. *** Wax aanad filaneyn iyo fallaari waa kaa fuc siiyaan ( fajaciyaan). Right pointing double angle quotation mark.svg


WikiOraah Kale

Link= Oraahda Saxda ah
Expression error: Unexpected < operator. round 0 }}
Federaal: waaxaa soo batay maalmahaan oraahda ah soomaaliya waa Federaal, Dastuurka Soomaaliya ee ah Federaalka
Waxaa haboon in la dhaho: Sida Saxda ah waa Jamhuuriyadda iyo Dastuur KMG
maadaama aan afti dadweyne lagu ansixin

WikitFiira gaar ah ee kale

Qeybaha maqaalada Wikipediaha
Nuvola apps kdmconfig.png
Cilmiga aanan sayniska ahayn

Cilminafsi · Taariikh · Luqadaha · Cilmiga bulshada 

Nuvola apps edu languages.png
Siyaasad iyo bulsho

Ganacsi · Waxbarasho · Joornaalo · Gaadiidka · Beeraha · Dagaalada · Caafimaadka · Dowladaha

P religion world.svg
Diin

Diimaha · Mutolojiyada

Nuvola apps kcoloredit.png
Hiddo iyo dhaqan

Gabayada · Filimaanta · Muusig

Nuvola apps kalzium.png
Saynis

Bayoloji · Fiisigis · Kimisteri · Juquraafi · Xisaab · Cilmidayax . Xiddigis

Nuvola apps display.png
Teknooloji

Elektaroonig · Internet · Kumbuyuutarada

Nuvola apps atlantik.png
Ciyaaraha iyo madadaalada

Teleefishinka · Ciyaaraha

Nuvola filesystems folder font.png
Kuwa kale

Kalandar · Shaqsiyadaad · Waqti

Mashruucyo qaraabo la'ah Wikipedia
Wikipedia waxaa maamula urrur aanan faa'ido raadinnin oo ah Urrurka-Wikimedia, kaasoo maamula mashruucyokale oo xor ah kuna saleeysan luqado kala gedisan:
Wiktionary-logo-en.png WikiQaamuus
Qaamuus
Wikibooks-logo.svg Wikikirjasto
Buugaag bilaash ah
Wikiquote-logo.svg Wikisitaatit
Sitaattikokoelmia
Wikisource-logo.svg Wikiaineisto
Vapaiden tekstien arkisto
Wikispecies-logo.png Wikispecies
Lajien luettelo
Wikinews-logo.svg Wikinews
Warrarka
Commons-logo.svg Commons
Feylasha guud
Wikimedia-logo.svg Meta-Wiki
Hagida guud ee mashruucyada Wikimedia

Wikipediyahaan waxaa ku qoran Af-Soomaali. waxaa la bilaabay 2001, hadda waxaa ku jirto in kabadan 5,724 oo maqaal. Luqadaha kale oo ugu waa weyn hoostaan ee ku tixanyihiin

All