Maqaal Xul ah
|
Quraan (Af-Carabi: ﺍﻟﻘﺮﺁﻥ) waa kitaabka Alle ﺍﻟﻠﻪ (s.w.t) ku soo dejiyay Nebi Maxamed (n.n.k.h), kaas oo ku qoran luuqada carabiga.
Kitaabka Quraanka wuxuu saldhig u yahay diinta Islamka dhamaanteed.
Quraanka kariimka ah waa hadalka Ilaahay (ﺍﻟﻠﻪ) kaas oo malaga Jibriil u soo gudbin jirey Nebi Muxamed (n.n.k.h) wakhti 23 sano ah, oo ku bilaabmaysa Diisembar 22keedii sanadkii 609 C.D (Ciise Dabadii), wakhtigaas oo nebigu ahaa 40 jir ilaa markii taariikdhu ahayd 632 Ciise Dabadii, oo ku beegan sanadkii Nabi Maxamed (n.n.k.h) geeriyooday. Sidaa diinta Islaamku sheegtay kitaabka Quraanku waa midka ugu sareeya kitaabyada ee Ilaahay ka ilaalinayo khaladka iyo musuqmaasuqa isla markaana hogaan iyo hanuunin u ah dhamaan aadamaha ku nool dunida.
Kitaabka Quraanka waxaa loo kala saaraa, guud ahaan, labo qeybood oo kala ah Makki (oo ah Quraanka ku soo dagay Nebiga intii uu magaalada Makkah joogay) iyo Madani (oo ah Quraanka ku soo dagay Nebi Muxamed wakhtigii uu magaalada Madiina deganaa). Intaasi kuma eeka qeybaha Quraanku ee waxaa kitaabku u sameeysan yahay nidaam loo yaqaano suurado, kuwaasi oo loo sii kala saaro aayado. Quraanku wuxuu ka kooban yahay boqol toban iyo afar Suuradood kuwaasi ooy ugu horeeyso suurada Al Faatixa (mahnaheedu tahay fur-furitaan ama "bilaabid") oo ka samaysan 7 aayadood ilaa laga gaadho suurada 114 ee Al-Naas (macnaheedu yahay dadka) oo ka kooban 6 aayadood.
Kitaabka Quraanka ah dhexdiisa waxaa ku xusan dhamaan taariikhda, nolosha, tilmaamida iyo hogaanka, wixii horey u dhacay, waxa dhici doona, nolosha dunida, nolosha aakhiro, maalinta qiyaame iyo xisaabta, iyo dhamaan macluumaadka nooleha.
Sidoo kale, Ilaahay (s.w.t) wuxuu ugu tallo-galay in kitaabku noqdo mid hogaamiya nolosha dadka. Suurad kasta iyo aayad kasta oo ka mid ah kitaabka Quraanka Kariimka ahi wax ayay tilmaamaysaa isla markaana faraysaa ama ka reebaysaa dadka.
Wadajirka Quraanka iyo Xadiisku waa sharciga saxda ah ee Alle ugu tallo galay in aadamahu isku maamulaan, waxaana loo yaqaanaa Sharciga Shariicada. Intaasi waxaa dheer, Quraanka oo lagu akhrinayo luuqada carabiga ayaa waxa la akhriyaa wakhtiga la tukanayo salaadaha. Qofka xafida 114ta Suuradood ee Quraanka waxaa loo yaqaanaa Xaafid. Jiijiidida iyo qurxinta codka marka la akhrinayo Quraanka waxaa loo yaqaanaa towjiid.
Si kastaba ha ahaatee, bisha Ramadaan dadka muslimiinta ahi waxay dhamaystiraan akhrinta dhamaan Quraanka ayagoo ku tukanaya salaada tarawiixda. (SII AQRI)
|
Maqaal Cusub
|
Dadka Soomaaliyeed (Af-Carabi: الصوماليون) waa dad ku nool Geeska Afrika Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Waxayna ku hadlaan Af-Soomaali Waana mid kamid ah Luqadaha Kushitiga Faraceeda Afro Aasiya.
Soomaalida Waxaa kala qaybiyey Gumeysigii qarnigii 19aad, kaas oo ukala qaybsaday 5 qaybood oo Kala ah:
- Loona yaqaan Soomaaliweyn
Waxay wada leeyihiin dhaqan iyo luqad Ay wadaagaan.
Somalida waxay ku kala nool yihiin, qurbaha iyo dhulka Soomaaliya gaar ahaan Soomaaliweyn .
Soomaalida badankooda waa dad reer guuraah ah, waxaana lagu yaqaanaa, xoolo dhaqasho, sida ariga iyo geela iyo Lo'da. Soomaalida waxay ahaayeen dad ku dagaalama daaqqa xoolaha iyo Biyah.
Dadka soomaaliyeed waxaa dibadda uhaajiray ku dhowaadb ilaa iyo 5 Malyan.
maadaamaa dalku ku jiray in kabadan 20 sano oo dagaal ah, Dhanka diinta soomaaliya waxaa aad awood ugu leh suufinimada suufiyada soomaali xoogaa waa ka duwan yihiin suufiyada dalalka qaarkood inkastoo ay aqoonta diintuu ay sii yaraanayso. (SII AQRI)
|
Xusuusta Wikipedia
|
|
Waa maxaay Wikipedia ?
|
---Qaabka aad wax uga bedeleyso FG. Luqada waa english
Wikipedia (loogu dhawaaqo ˌwiˑkiˈpidi.ə). Waa bar laga helo Web-ka oo ah Qaamuus qoran. Waxaa qorey dad iskood ugu qora luuqadadooda oo aan dawlad ama haayadi diran. Qofkwalba oo guriga khatka internetka ku heysta, yaqaanana sida loo isticmaalo wuu ka qeybqaadan kaaraa Qaamuuskan oo sidii cilmi Soomaaliga ku qoran loo soo gelin lahaa halkan. Arintan oo la bilaabay 2001 Ingiriiskuna (english) ugu horeysey ayaa waxaa ku xigey luuqado badan oo kuwa ugu waaweyn ay yihiin Jarmal , Faransiis , Isbanish iyo Talyaani.
Taariikhdu markii ay ahayd 18/01/2012 ayaa waxa hawada ka baxay wikipedia laakiinse isla maalin ka bacdiba waa ay ku soo noqotay hawada.
|
Dhacdooyinka hadda
|
- Malaysia Airlines Flight 370 (sawirka diyaaradda), kasoo kacday Kuala Lumpur kuna socotay Beijing lana socdeen 239 qof, ayaa lagu waayey Gacanka Thailand.
- Maxkamadda dembiyada dagaalka ayaa ku heshay nin u dhashay kongo ee Germain Katanga dembi.
- 2014 Winter Paralympics 2014 Winter oo la furay Sochi, Ruushka.
- Gobol Ukrain ka mid ah oo la modoobaya Ruushka kuna biiraya Federeeshinka ruushka.
- Gudoomiyaha gobolka Banaadir Muungaab ayaa booqday qaar ka mid ah dagmooyinka xamar.
Warar dheeraad ah...
|
Wiki Wararka – Dhacdooyinka Hadda iyo dheeraad...
|
|
|
Hooyga Wikiga
|
Waxyaabaha ku jira · Hooyga Wikiga · Qaybaha Guud · Lagu soo koobay Xul · Tusmo A-Z
|
Ma Ogtahay...
|
Amiibada waxay ka mid tahay xayawaannada kuwa ugu dhismo sahlan inta la yaqaan. Waxay ku nooshahay dhoobada iyo jidhaamaha guntooda, wayna adagtay in isha lagu arko. Saxar aad u yar bay le'egtahay. Dheererkeeduna wuxuu gaari karaa 0.025 sm.
Haddii la qeexo waxaa lagu tilmaami karaa xab nool. Waxaad moodaa marka la arko in aan nafi ku jirin. Iyada oo intaas le'eg bay waxay doonto qabsan kartaa, wey tarmi kartaa, wax cuni kartaa, socon kartaa, wax qaban kartaa sida noolaha kale. Haddii aad si fiican ugu eegtid weyneeysada ameebadu waxay u egtahay cuf ma-qumane ah oo ka samaysan borootobalaasma u eg xab. Waxaana ku wreegsan xuub balaasma oo aad u sar yar. Marka aad u fiirsatid amiibada firfircoon, waxaad arki dooontaa in saytoobaalsamkeedu qulqulaayo, saytoobalaasamkaa qulqulaaya ayaa ayaa cadaadiya xuubka balaasmaha, sameeyana tuuro loo yaqaan addimobeeneedyo.
Saytoolaasamku laba nuuc ayuu u kala baxaa. Balaasma duleed waa inta ku xigta xuubka unugga, waxaana la moodaa biyo nadiif ah. Balaasma gudeed waana saytoobalaasamka inta ka hoosaysa balaasma duleedka. Balaasma duleedka wuu ka culus yahay balaasma gudeedka, waxaana la moodaa xab midab dambas le. Bu'da waxay ku dhex jirtaa balaasma gudeedka, waxayna u egtahay sidii wax xuub ku wareegsan yahay oo kale. waxaana balaasma-gudeedka ku dhex jira saxarro aad u yaryar, kaasoo ah haraagii noolihii yaryaraa ay dheefshiidday. Saxarradaa yaryar waxaa ku wareegsan hoor sidii xumabada ah oo uu ku wareegsanyahay xuub, Daloolkaasna waxaa loo yaqaan doalool cunteed.
Dareenka amiibada
Amiibada malaha xubno ay wax ku dareento, waxaase jirta in sytoobalaasamka dhamiba deegaanka dareemi karo. Tusaalo ahaan haddii aysid ama alkol barxan lagu shubo agagaarka amiiba nool, si tartiib ah ayeey uga faagataa labadooda.
Marka ay amiibadu la kulanto wax ay cuni karto, way liqdaa iyad oo ku xaraya dhibco biyo ah, iyo addin-beeneedyada. Qayb ka mid ah xuubka amiibada ayaa wuxuu noqdaa liid ku wareegsan dalool cunteed ku dhex jira saytoobalaasamka. Xuub kale oo cusub ayaa si dhaqsi ah uga samaysa oogada, halkii dalool cunteedku unugga ka soo galay. Dheefta xayawaanka waxaa shiida insaymyo usii daaya saytoobalaasamku, insaymyadaas oo u gudba xagga dalool cunteedka oo la falgala walxaha cuntada ku jira. Dheefta la shiiday waxaa nuuga saytoobalaasamka, waxaana laga helaa tamarta ay ubaahantahay amiibadu iyo walxaha kale ee lagu suubin karo borotoobalaasamka. Saxarrada la dheefshiidi kari waayana waxay ku haraan dalool cunteedka waxayna ka bixi karaan meel kasta oo xuubka ah, oo ay debedda ubixi karaan.
- MAQAALKA SII AQRI · Maqaallo kale oo Kala duwan
|
Ma ogtahay dheeraad ka sii aqriso halkaan...
|
Sawirka Maanta
|
|
Soo Bandhig Sawirkaada Xulka ah
|
Waxaa La Yiri
|
6
♦Geelu geel fulay gaadhi maaye haka daba fulo.
♦Walaalkaa oo kuu macaan halmar lama wada muudsado.
|
Wiki – Oraah Kale
|
|
Expression error: Unexpected < operator. round 0 }}
Federaal: waaxaa soo batay maalmahaan oraahda ah soomaaliya waa Federaal, Dastuurka Soomaaliya ee ah Federaalka Waxaa haboon in la dhaho: Sida Saxda ah waa Jamhuuriyadda iyo Dastuur KMG
| maadaama aan afti dadweyne lagu ansixin
|
Wikit – Fiira gaar ah ee kale
|
|