Bogga Hore

Ka Wikipedia
Jump to navigation Jump to search
Ku soo-dhawoow Wikipedia

Insaykalobeedhiya xorta ah e qofwalbana wax ka bedeli karo

Wikipedia Soomaaliga waxaa ku jirta 5,511 maqaal, Hubi gaarista ama habka mobilka
Link=Wikipedia:Maqaallo Xul Ah Maqaal Xul ah
Meeraha dhulka

Dhulka (Af-Ingiriis: earth, Af-Carabi: أرض) waa meereha sadexaad ee qoraxda u dhow ee Bahda Midaysay Qoraxdu. Waa meeraha ugu muga iyo miisaanka weeyn iyo midka shanaad ee ugu xajmiga weeyn sideedda meere eeBahda Qoraxdu Midaysay. Dhulka waxa lagu naaneeysaa Meeraha Midabka Buluugan sababtoo ah marka hawoda sare laga soo fiirinayo waxa muuqda midabka buluuga.

Dhulku waa meereha kaliya ee nolol ka jirto dhamaan meereyaasha aan naqaano. Waxa lagu qiyaasaa meeraha dhulka in da'diisu ku dhowdahay 4.5 bilyan oo sanno.

Dhulka isku-wareegiisa (Circumference) waa 40,007.86 km marka laga xisaabayo dhul badheha, sidoo kale baaxada guud ee oogada dhulku waa 510,072,000 km2 - taas oo ka kooban 148,940,000 km2 dhul ama caro iyo dhagax ah una dhiganta 29.2 %; iyo 361,132,000 km2 biyo iyo bad ah, taas oo u dhiganta 70.8 %.

Muga dhulku waa 1.08321 ×10 12 km3 halka cufka meeraha dhulku yahay 5.97219 ×10 24 kg.

Sidoo kale, miisaanka cuf ee dhulku waa 5.515 g/cm3, halka cufisjiidadka dhul badhehu yahay 9.780327 m/s2 taas oo u dhiganta 0.99732 g. Cadaadiska dunidan waa 101.325 kPa (MSL).

Heerkulka oogada sare ee dhulku waa meel dhexaad taas oo ah mida taageertay in nolol ka jirto meerehan. Kulka iyo qaboowga dhulku wuu kala duwan yahay ayadoo Cidhifyada (polars) oogu heerkul hooseeyo taas ka dhigtey qaboow badan, laakiin meelaha ku beegan dhul badheha ayaa ugu heerkul sareeya dunida. Guud ahaan, heerkulka dunidu marka ugu hooseeyo wuxuu gaadhaa 184 K ama −89.2 °C, dhex-dhexaad markuu yahay heerkulku waa 15 °C ama 288 K, marka uu ugu sareeyo kuleeylku wuxuu gaadhaa 56.7 °C ama 330 K.

Cirka ama Samoda sare ee dunidan aan ku nool nahay waxay ka sameeysan tahay 78.08% curiyeha nitrojiin (N) taas oo ah hawo, 20.95% ogsajiin (O), 0.93% argon, 0.039% Kaarboon-labo-ogsaadh (C2O) iyo qiyaastii 1% uumi biyo ah (in kastoo mararka qaar kala duwan tahay cimilodu).

Meeraha dhulku wuxuu sameeyaa labo wareeg: mid uu ku wareego xariijintiisa taas oo loo yaqaano Sidereal rotation period oo ah habeen iyo maalin. Wareega labaad dhulku wuxuu ku sameeyaa qoraxda waxaanay ku qaadataa 365.25744. (SII AQRI)

Link=Wikipedia:Maqaallo Cusub Maqaal Cusub
Kiinya

Kiinya waa wadan dhaca bariga Afrika. Waxey xad la wadaagtaa wadamada Tansaaniya , Ugaandha, Soomaaliya iyo Itoobiya . Dhinaca barina waxaa kaga dhagan Badweynta Hindiya. caasimada wadanka Kenya waa Nayroobi. Wadanka kiinya wuxuu ka mid yahay wadamada ee ku badan yihiin Xayawaanaadka ee Qaarada Afrika. Sida Libaaxa, Waraabaha iyo Shabeelka. waa wadan ay aduunka u-soo dalxiisaan oo na dhaqaale-hiisa kor u socdo, dhaqaalahas oo ka yimaada xagga beeraha qaadka. wadanka magaciisa waxaa lagu magac daray Mount kenya ama (buurta kiinya). Waa buurta ugu ween wadanka kiinya, waana midda labaad oo ugu ween qaarada afrika. waayadi hore waxaa la dhihi jiray wadanka British East Afrika, waa marki uu ingriiska gumeensan jiray kenya iyo yugandha. Waayadii hore inta uuna wadanku soo galin gumeesigii ingriiska, wadanka gudihiisa waxaa ku noolaa dad ayaga ismaamuli jiray oo bantu ah ama jareer, laakiin dhinaca xeebaha waxaa ganacsi ka sameen jiray carabta oo waqtigaas ka ganacsan jirtay bariga afrika, Bortuqiiska waqtiga oo maamulkiisa bilaabay 1500, waxeey la canacsan jireen carabta oo waagaas ka shaqeenaayeen magaalada Mombaaso. Dadka bantuga ahaa oo degenaan jiray gudaha dalka Kenya, uma shaqeen jirin sida dadka degenaa xeebaha, Laakiin dadka masaayda ayaa bilaabay dhaq dhaqaaq dhinaca xukunka ah taariikhda marka ee eheed 1800, laakiin dhaq dhaqaaqaas waa joogsaday sanado badan kadib markii uu wadanku qabsaday cudur xoolaha dhameeyay. Wadanka kenya gaar ahaan dhinaca xeebaha wuxuu markiisii hore ahaa meel ay carabtu ku ganacsan jirtay adoomada, gaar ahaan meesha ay carabta u gaarka ahyd ee zanzibar. Kenya waxaa qabsaday Ingriiska taariikhda marka ee eheed 1895tii, Muran ayaa ka socon jiray shirkii barliin oo ahaa meesha dhulalka lagu kala qeebsan jiray, shirkaas waxoo ku dhamaaday ingriiska oo qaatay Zanzibar,kenya iyo Yugandha, waxaana loogu magacaabay Ingriiska Bariga Afrika.Markii la dhameeyay jidkii tareenka oo ku yaalay meesha biyo deegaanka ah ee fiktoriya 1902dii, waxaa lagu go'aan gaaray in ee shacab yurubiyaanka ee u so guuraan kenya intii ee san jecleesan wadankii la dhihi jiray (Rhodesia) oo maanta ku yaalo Simbaabwi iyo Koonfur Afrika.Kenya waxee laheed dhul beeraad aad u weyn, dhulkaas neh waxaa degay ajaanibta ingriiska, isla markaas neh dadkii u dhashay dalka kenya gaar ahaan dadka Kikuyuga ah iyo dadka Masaayda ayaa la soo dajiyay dhulka, waxaana loo sameeyay shaqo oo wax soo saarkooda loo dhoofin jiray wadamada yuubiyanka,badanaa dadka qaarkood lacag raqiis ee ku shaqeen jireen ama amar, Kenya waxee ingriiska ka xoroowday 1963dii. (SII AQRI)

Link= Xusuusta Wikipedia
Maanta Oo Kale


Xusuusta dhacdooyinka maanta

Xusuusta Dhacdooyinka Maanta :

Kuwa ugu muhiimsan Xusuusta dhacdooyinka sanadkaan - Maalmaha sanadkaan oo dhan

Link= Waa maxaay Wikipedia ?
---Qaabka aad wax uga bedeleyso FG. Luqada waa english

Wikipedia (loogu dhawaaqo ˌwiˑkiˈpidi.ə). Waa bar laga helo Web-ka oo ah Qaamuus qoran. Waxaa qorey dad iskood ugu qora luuqadadooda oo aan dawlad ama haayadi diran. Qofkwalba oo guriga khatka internetka ku heysta, yaqaanana sida loo isticmaalo wuu ka qeybqaadan kaaraa Qaamuuskan oo sidii cilmi Soomaaliga ku qoran loo soo gelin lahaa halkan. Arintan oo la bilaabay 2001 Ingiriiskuna (english) ugu horeysey ayaa waxaa ku xigey luuqado badan oo kuwa ugu waaweyn ay yihiin Jarmal , Faransiis , Isbanish iyo Talyaani.

Taariikhdu markii ay ahayd 18/01/2012 ayaa waxa hawada ka baxay wikipedia laakiinse isla maalin ka bacdiba waa ay ku soo noqotay hawada.

Local-time.svg Dhacdooyinka hadda

9M-MRO, the missing Malaysia Airlines aircraft, in 2011

  • Malaysia Airlines Flight 370 (sawirka diyaaradda), kasoo kacday Kuala Lumpur kuna socotay Beijing lana socdeen 239 qof, ayaa lagu waayey Gacanka Thailand.
  • Maxkamadda dembiyada dagaalka ayaa ku heshay nin u dhashay kongo ee Germain Katanga dembi.
  • 2014 Winter Paralympics 2014 Winter oo la furay Sochi, Ruushka.
  • Gobol Ukrain ka mid ah oo la modoobaya Ruushka kuna biiraya Federeeshinka ruushka.
  • Gudoomiyaha gobolka Banaadir Muungaab ayaa booqday qaar ka mid ah dagmooyinka xamar.

Warar dheeraad ah...

Wiki WararkaDhacdooyinka Hadda iyo dheeraad...

Link=Wikipedia:Hooyga Hooyga Wikiga

Waxyaabaha ku jira · Hooyga Wikiga · Qaybaha Guud · Lagu soo koobay Xul · Tusmo A-Z

PL Wiki CzyWiesz ikona.svg Ma Ogtahay...
Atom.png

Atomku waa wax yer oo ilmaqabata ah, waana qayb ka tirsan Maatarka waxaan ognahay in uu yahay maatarka wixii cufleh culaysnaleh meelmadhana buuxin kara. Qaabka Atom Helium oo ay ku jiraan 2 Borotoon Cascas (Guduud), 2 Niyutaroon oo Doog ah (Cagaar) iyo 2 Elektaroon oo huruud ah (Jaallo).

Atomka waa walxaha ugu yar kimikada waxa ay ka timid Atomos Gariiga oo macnaheedu yahay ma qaybsanto.

Atom kastaa waxa uu koobanyahay, Borotoono (+) Togane ah , Niyutaroono (0) iyo Elektaroon (-) Tabane ah, marka laga reebo maatarka loo yaqaan Hydrogen, taas oo aan lahayn Niyutaroono.

Niyutaroonka iyo Borotoonka waxay ku yaalaan Bu'da atomka, waxaana la ogaaday in xoog wayni ku hayo, xoogaas oo aan ahayn xoog danab maxaa yeelay waxay leeyihiin danab isku cayn ah kaas oo ah Togane, mida kale xoogaasi ma'aha mid cuf-isjiidad maxaa yeelay xoog cuf-isjiidadku aad ayuu u yaraan lahaa, markaa xoogaasi waa mid u gaara Borotoonka iyo Niyutaroonka waxaana loo bixiyay xoog isku-dabar bu'eed.



Fogaanta ay isku jiraan laba Borotoon hadii ay ka bataan dhexroorkoodu inta uu dhanyahay waxaa abuurmaya xoog danab kaladid.

Haddaba cufka Elektaroonka negi waa 9,1093826 × 10−31 kg

Kan Borotoonkuna waa 1,6 × 10−19

Kan Niyutaroonkuna waa 1,674 927 29 × 10−27 kg

Borotoonku waxa uu ka culusyahay Elektaroonka 1827jeer. Elektaroonadu waxa ay maraan majiiro go'an oo ku wareegsan bu'da atommka. Atommka danabkiisu waa eber(0), waayo inta elektaroon iyo inta borotoon ee ku jirtaa way isleegyihiin


MQAALKA SII AQRI · Maqaallo kale oo Kala duwan
Ma ogtahay dheeraad ka sii aqriso halkaan...
Link= Sawirka Maanta

Burcad Badeed waa markab ay qabsatay burcad badeedda 2008

Burcad Badeed waa markab ay qabsatay burcad badeedda 2008

Link= Soo Bandhig Sawirkaada Xulka ah

Link= Waxaa La Yiri
2
Left pointing double angle quotation mark.svg 

Saddex baa rag u liita; Ma toshe, ma tashade iyo ma tashiishe *** Saddex ayaa jirta Lixdan jir lex jeclo ha la wadaagin; afartan jir ha la garramin; labaatan jirna ha la legdemin.

Saddex markaan bartaan ka gaboobay: Dab ollolintiis, carruur aamusinteed, iyo awr carraabintiis. *** Saddex Ilaah waa karaa, mase suurowdo: Ilaahow guursan maayee wiil i sii; Ilaahow shaqaysan maayee xoolo i sii; iyo Ilaahow ku caabudi maayee jannada i gee. Right pointing double angle quotation mark.svg


WikiOraah Kale

Link= Oraahda Saxda ah
Expression error: Unexpected < operator. round 0 }}
Federaal: waaxaa soo batay maalmahaan oraahda ah soomaaliya waa Federaal, Dastuurka Soomaaliya ee ah Federaalka
Waxaa haboon in la dhaho: Sida Saxda ah waa Jamhuuriyadda iyo Dastuur KMG
maadaama aan afti dadweyne lagu ansixin

WikitFiira gaar ah ee kale

Qeybaha maqaalada Wikipediaha
Nuvola apps kdmconfig.png
Cilmiga aanan sayniska ahayn

Cilminafsi · Taariikh · Luqadaha · Cilmiga bulshada 

Nuvola apps edu languages.png
Siyaasad iyo bulsho

Ganacsi · Waxbarasho · Joornaalo · Gaadiidka · Beeraha · Dagaalada · Caafimaadka · Dowladaha

P religion world.svg
Diin

Diimaha · Mutolojiyada

Nuvola apps kcoloredit.png
Hiddo iyo dhaqan

Gabayada · Filimaanta · Muusig

Nuvola apps kalzium.png
Saynis

Bayoloji · Fiisigis · Kimisteri · Juquraafi · Xisaab · Cilmidayax . Xiddigis

Nuvola apps display.png
Teknooloji

Elektaroonig · Internet · Kumbuyuutarada

Nuvola apps atlantik.png
Ciyaaraha iyo madadaalada

Teleefishinka · Ciyaaraha

Nuvola filesystems folder font.png
Kuwa kale

Kalandar · Shaqsiyadaad · Waqti

Mashruucyo qaraabo la'ah Wikipedia
Wikipedia waxaa maamula urrur aanan faa'ido raadinnin oo ah Urrurka-Wikimedia, kaasoo maamula mashruucyokale oo xor ah kuna saleeysan luqado kala gedisan:
Wiktionary-logo-en.png WikiQaamuus
Qaamuus
Wikibooks-logo.svg Wikikirjasto
Buugaag bilaash ah
Wikiquote-logo.svg Wikisitaatit
Sitaattikokoelmia
Wikisource-logo.svg Wikiaineisto
Vapaiden tekstien arkisto
Wikispecies-logo.png Wikispecies
Lajien luettelo
Wikinews-logo.svg Wikinews
Warrarka
Commons-logo.svg Commons
Feylasha guud
Wikimedia-logo.svg Meta-Wiki
Hagida guud ee mashruucyada Wikimedia

Wikipediyahaan waxaa ku qoran Af-Soomaali. waxaa la bilaabay 2001, hadda waxaa ku jirto in kabadan 5,511 oo maqaal. Luqadaha kale oo ugu waa weyn hoostaan ee ku tixanyihiin

All