Dhaqaalaha Somaliland wuxuu ku tiirsan yahay xoolaha nool, inta badan bulshadana noloshoodu waxay ku tiirsan tahay xoolaha iyo beeraha. Madaxda xukuumadda waxa laga maqla iyaga oo ku celcelinaya xooluhu in ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, dabcan haa waa run mana jiro khayraad kale oo u dhigma laakiin, madaxdeena ma ka dhabaa mise waa hadal afka laga yidhi oo aan uurka