Maqaal Xul ah
|
Dhulka (Af-Ingiriis: earth, Af-Carabi: أرض) waa meereha sadexaad ee qoraxda u dhow ee Bahda Midaysay Qoraxdu. Waa meeraha ugu muga iyo miisaanka weeyn iyo midka shanaad ee ugu xajmiga weeyn sideedda meere eeBahda Qoraxdu Midaysay. Dhulka waxa lagu naaneeysaa Meeraha Midabka Buluugan sababtoo ah marka hawoda sare laga soo fiirinayo waxa muuqda midabka buluuga.
Dhulku waa meereha kaliya ee nolol ka jirto dhamaan meereyaasha aan naqaano. Waxa lagu qiyaasaa meeraha dhulka in da'diisu ku dhowdahay 4.5 bilyan oo sanno.
Dhulka isku-wareegiisa (Circumference) waa 40,007.86 km marka laga xisaabayo dhul badheha, sidoo kale baaxada guud ee oogada dhulku waa 510,072,000 km2 - taas oo ka kooban 148,940,000 km2 dhul ama caro iyo dhagax ah una dhiganta 29.2 %; iyo 361,132,000 km2 biyo iyo bad ah, taas oo u dhiganta 70.8 %.
Muga dhulku waa 1.08321 ×10 12 km3 halka cufka meeraha dhulku yahay 5.97219 ×10 24 kg.
Sidoo kale, miisaanka cuf ee dhulku waa 5.515 g/cm3, halka cufisjiidadka dhul badhehu yahay 9.780327 m/s2 taas oo u dhiganta 0.99732 g. Cadaadiska dunidan waa 101.325 kPa (MSL).
Heerkulka oogada sare ee dhulku waa meel dhexaad taas oo ah mida taageertay in nolol ka jirto meerehan. Kulka iyo qaboowga dhulku wuu kala duwan yahay ayadoo Cidhifyada (polars) oogu heerkul hooseeyo taas ka dhigtey qaboow badan, laakiin meelaha ku beegan dhul badheha ayaa ugu heerkul sareeya dunida. Guud ahaan, heerkulka dunidu marka ugu hooseeyo wuxuu gaadhaa 184 K ama −89.2 °C, dhex-dhexaad markuu yahay heerkulku waa 15 °C ama 288 K, marka uu ugu sareeyo kuleeylku wuxuu gaadhaa 56.7 °C ama 330 K.
Cirka ama Samoda sare ee dunidan aan ku nool nahay waxay ka sameeysan tahay 78.08% curiyeha nitrojiin (N) taas oo ah hawo, 20.95% ogsajiin (O), 0.93% argon, 0.039% Kaarboon-labo-ogsaadh (C2O) iyo qiyaastii 1% uumi biyo ah (in kastoo mararka qaar kala duwan tahay cimilodu).
Meeraha dhulku wuxuu sameeyaa labo wareeg: mid uu ku wareego xariijintiisa taas oo loo yaqaano Sidereal rotation period oo ah habeen iyo maalin. Wareega labaad dhulku wuxuu ku sameeyaa qoraxda waxaanay ku qaadataa 365.25744. (SII AQRI)
|
Maqaal Cusub
|
'Dhax kujir waa wadan oo laheen wax bad ah. aduunka waxaa ku yaalo, wadamo gaaraayo 44 oo badda ka xirantahay. dowladaha qaarkood kuwa u dhaw badda, waxaa dhacday in ee marki hore badda u furnaan jirtay. Laakinsa marka ee gobolo ka xoroobeen, ee ku soo baxeen, wadamo Dhax kujir ah. tusaale ahaan, xoreentii Eratareya iyo Montenegro, waxee u aqoonsadeen, wadamada Itoobiya iyo Serbia in ee badda arkin. sanadkaan aa ku jirno, badda waa muhiim, markii la fiiriyo, dhinaca dhaqaalaha, iyo kaluumeesiga (SII AQRI)
|
Xusuusta Wikipedia
|
|
Waa maxaay Wikipedia ?
|
---Qaabka aad wax uga bedeleyso FG. Luqada waa english
Wikipedia (loogu dhawaaqo ˌwiˑkiˈpidi.ə). Waa bar laga helo Web-ka oo ah Qaamuus qoran. Waxaa qorey dad iskood ugu qora luuqadadooda oo aan dawlad ama haayadi diran. Qofkwalba oo guriga khatka internetka ku heysta, yaqaanana sida loo isticmaalo wuu ka qeybqaadan kaaraa Qaamuuskan oo sidii cilmi Soomaaliga ku qoran loo soo gelin lahaa halkan. Arintan oo la bilaabay 2001 Ingiriiskuna (english) ugu horeysey ayaa waxaa ku xigey luuqado badan oo kuwa ugu waaweyn ay yihiin Jarmal , Faransiis , Isbanish iyo Talyaani.
Taariikhdu markii ay ahayd 18/01/2012 ayaa waxa hawada ka baxay wikipedia laakiinse isla maalin ka bacdiba waa ay ku soo noqotay hawada.
|
Dhacdooyinka hadda
|
- Malaysia Airlines Flight 370 (sawirka diyaaradda), kasoo kacday Kuala Lumpur kuna socotay Beijing lana socdeen 239 qof, ayaa lagu waayey Gacanka Thailand.
- Maxkamadda dembiyada dagaalka ayaa ku heshay nin u dhashay kongo ee Germain Katanga dembi.
- 2014 Winter Paralympics 2014 Winter oo la furay Sochi, Ruushka.
- Gobol Ukrain ka mid ah oo la modoobaya Ruushka kuna biiraya Federeeshinka ruushka.
- Gudoomiyaha gobolka Banaadir Muungaab ayaa booqday qaar ka mid ah dagmooyinka xamar.
Warar dheeraad ah...
|
Wiki Wararka – Dhacdooyinka Hadda iyo dheeraad...
|
|
|
Hooyga Wikiga
|
Waxyaabaha ku jira · Hooyga Wikiga · Qaybaha Guud · Lagu soo koobay Xul · Tusmo A-Z
|
Ma Ogtahay...
|
Atomku waa wax yer oo ilmaqabata ah, waana qayb ka tirsan Maatarka waxaan ognahay in uu yahay maatarka wixii cufleh culaysnaleh meelmadhana buuxin kara. Qaabka Atom Helium oo ay ku jiraan 2 Borotoon Cascas (Guduud), 2 Niyutaroon oo Doog ah (Cagaar) iyo 2 Elektaroon oo huruud ah (Jaallo).
Atomka waa walxaha ugu yar kimikada waxa ay ka timid Atomos Gariiga oo macnaheedu yahay ma qaybsanto.
Atom kastaa waxa uu koobanyahay, Borotoono (+) Togane ah , Niyutaroono (0) iyo Elektaroon (-) Tabane ah, marka laga reebo maatarka loo yaqaan Hydrogen, taas oo aan lahayn Niyutaroono.
Niyutaroonka iyo Borotoonka waxay ku yaalaan Bu'da atomka, waxaana la ogaaday in xoog wayni ku hayo, xoogaas oo aan ahayn xoog danab maxaa yeelay waxay leeyihiin danab isku cayn ah kaas oo ah Togane, mida kale xoogaasi ma'aha mid cuf-isjiidad maxaa yeelay xoog cuf-isjiidadku aad ayuu u yaraan lahaa, markaa xoogaasi waa mid u gaara Borotoonka iyo Niyutaroonka waxaana loo bixiyay xoog isku-dabar bu'eed.
Fogaanta ay isku jiraan laba Borotoon hadii ay ka bataan dhexroorkoodu inta uu dhanyahay waxaa abuurmaya xoog danab kaladid.
Haddaba cufka Elektaroonka negi waa 9,1093826 × 10−31 kg
Kan Borotoonkuna waa 1,6 × 10−19
Kan Niyutaroonkuna waa 1,674 927 29 × 10−27 kg
Borotoonku waxa uu ka culusyahay Elektaroonka 1827jeer. Elektaroonadu waxa ay maraan majiiro go'an oo ku wareegsan bu'da atommka. Atommka danabkiisu waa eber(0), waayo inta elektaroon iyo inta borotoon ee ku jirtaa way isleegyihiin
- MQAALKA SII AQRI · Maqaallo kale oo Kala duwan
|
Ma ogtahay dheeraad ka sii aqriso halkaan... |
Sawirka Maanta
|
Markis waxa uu ahaa faylasuuf jarmala asalkjiisuna waxa uu ahaa yahuud.
|
Soo Bandhig Sawirkaada Xulka ah
|
Waxaa La Yiri
|
4
Saddex Illaahow Addaa Awood u leh:
B) Guursan maayeeyaanan goblamin. T) Xoogsan maayee xoollo isii *** J) Camal falli maayee caddaabta ha igeyn.
Saddexleey
|
Wiki – Oraah Kale
|
|
Expression error: Unexpected < operator. round 0 }}
Federaal: waaxaa soo batay maalmahaan oraahda ah soomaaliya waa Federaal, Dastuurka Soomaaliya ee ah Federaalka
Waxaa haboon in la dhaho: Sida Saxda ah waa Jamhuuriyadda iyo Dastuur KMG |
maadaama aan afti dadweyne lagu ansixin |
Wikit – Fiira gaar ah ee kale
|
|