Nebal

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Calanka
Nebal (Aasiya)

Nepal Waa dal yar oo ay shiikhisay qaarad la-mooda Hindiya, Dalkan yar waxaa soo daashaday Boqortooyo badh

ax-tiran, oo ku salaysan kali-talisnimo iyo xukunka oo la kala dhaxlo. Bishii May 28 keedii, Sanakdii 2008 dii ayey Nepal ka takhalustay Baqortooyo guun

ah oo soo maamulaysay 240 sanadood, Waxayna isu rogtay Jamhuuriyad Dimuqraadi ah. Barta Ay Ku Taalo: Nepal waxa ay ku taala Koonfurta Aasiya, waxa ay u d

haxaysaa labada wadan ee Dunida ugu dadka badan Shiinaha iyo Hindiya. Hindiya ayaa kaga xeeran, jihooyinka ,Galbeed, Koonfur iyo Bari, halka ay Jihada Wa

qooyina xad kala wadaagto Shiinaha. Waxa ay Shiinaha la wadaagtaa xuduud dhan 1,389 KM, Halka ay Hindiya Kala wadaagto xuduud lagu qiyaasay 1,770 Km, Nepal Malaha wax badd ah.Dhulka: Nepa

l waxa ay ku taalaa buuralayda Himalaaya, dhulkeedu waa dhul buureed raf ah, Waxaa ku yaala figta caalamka ugu dheer ee Everest oo joogeedu gaadhayo ilaa

 8848 Mitir. Baaxaadda dhulka ay ku fadhido Nepal waxaa lagu qiyaasaa ilaa 147181 Kiiloo Mitir oo Isku wareeg ah, Waana dalka 94 aad dhinaca baaxada dhul

ka. Boqolkiiba 97 dhulkeedu waa barri, halka dhulka biyuhu qotomaana uu u dhigmo baqolkiiba 3. Cimilada: Gobolada Waqooyi ee Nepal waxa ka jirta Cimilo q

abaw ah Xagaagii, Xilliga  Jiilaakuna aad ayuu u darran yahay. Lakin gobolada Koonfureed, Cimilada xagaagu waa Mid u dhaw cimilada dhul-badhaha, halka ay dhexdhexaad tahay Cimiladu xilliga Jiilaalka. Caasimada : Ka

thmandu. Luqada: Luqada rasmiga ah waa Nepali waxaa ku hadla boqolkiiba 44.6, Waxaa ku xiga afka Maithali oo ay ku hadlaan Boqolkiiba 11.7 , waxaa ku sii

 xiga afka Bhojpuri, waxaana isku fahma boqolkiiba 6, Waxaa kale dalka lagaga hadlaa afafka Tharu, Tanang, Newar, Magar, Bajjika, Urdu, Acadhi, Limbu, Gu

rung iyo luqado kale. Diinta: Diraasad la sameeyey sanakdii 2011 ayaa muujisay in dadka reer Nepal boqolkiiba 81.3 ay aaminsanyihiin Hindu, halka boqolki

iba 9 ay yihiin Buddhist Muslmiinta dalkan ayaa u dhigma Boqolkiiba 4.4 (lakin waxaa dhici karta in ay ka badanyihiin), dad lagu qiyaasay boqolkiiba 3.1 ayaa aaminsan waxa loo

yaqaano Kirant, Boqolkiiba 1.4 waa Kiristaan. Dadka: Qiyaas la qaaday sadandkii tagay ayaa ku qiyaastay tirada dadka ku nool Nepal ilaa 30,986,975 oo ruu

x, Waana dalka 42aad. Xadiga tarmida shacabkan waxaa lagu qiyaasaa boqolkiiba 1.82, waxaanu ku jiraa kaalinta 66aad dhinaca badashada dadka. Celceliska c

imri-dherarka reer Nepal ayaa gaadha 67 sanadood, Haweenka reer nepal ayaa ka cimri dheer ragga, Dhaqaalaha: Nepal waxa ay ka mid tahay wadamada ugu sabo

olsan uguna hormarka yar Dunida, - Shacabka reer Nepal Boqolkiiba 25 waxa ay kunool yihiin dhaqaale ka hooseeya Xariiqa Sabooltinimada, dhaqaalaha dalka waxaa si weyn u kaaba lacagaha di

bada laga soo xawilo oo u dhigama Boqolkiiba 25 wax soosaarka dalka. Beeruhuna waa isha dhaqaale ee ugu weyn dalkan, dad lagu qiyaasay baqolkiiba 70 ayey

 noloshoodu ku tiirsantahay beerashada. Wax-soo-saarka sanadlaha ah ee Nepal waxaa lagu qiyaasay 19.64 Bilyan oo Dollar, Qofka reer Nepal sanadkii waxa u

soo xarooda dakhli gaadhaya 2400 oo Dollar. Waana dalka 44aad marka la eego dhakhli shakhsiyeedka. Heerka Shaqo la'aantuna waxa uu cagacagaynaya boqolkii

ba 42, Waana dalka 195 aad dhinca shaqo la'aanta. Heerka Sicir bararka ayaa isna garaacaya boqolkiiba 8.4 . - Khayraadka Dabeeciga Ah: Dalkani waxa uu qani ku yahay quartz, Biyaha Dabeeciga ah, Looxa, Tamarta laga dhaliyo Biyaha, Muuqaalo Bilic leh oo Debeeci a

h, Naxaasta iyo Xadiida. Waxbarashada: Dawlada Nepal tacab badan ma galiso tacliinta, Waxa ay ku bixisaa dhinaca wax-barashada dakhli u dhigma boqolkiiba

 4.7 wax soo saarkeeda, waana dalka 87aad dhinca kobcinta Wax-barashada. Dadka da'doodu ka wayn tahay 15 sano ee awooda akhriska iyo qoraalka waxaa lagu

qiyaasaa Boqolkiiba 63.9. Celceliska da'da dugsiyada lagaga qalin jabiyaana waa 12 sano. Caafimaadka: Xukuumada Nepal, Boqolkiiba 6, Wax soo saarkeeda waxa ay ku bixisaa dhinaca caafimaadka, Waana wadanka 125aad dhinaca daryeelka caafimaad.

 Qiyaas la qaaday sanadkii 2013 ayaa lagu tira-koobay dadka la nool Xanuunka dilaaga ah ee HIV/AIDS 3300 oo ruux, taas micnaheedu waxa weeye in Nepal ay

ku jirto kaalinta 61 aad marka la eegayo dadka la nool AIDs-ka, sidoo kale waxaa lagu qiyaasay tirada dadka uu galaaftay xanuunkani 3300. Dadka Ka cabana

ya Buurnida xad-dhaafka ah ayaa iyaguna uga dhigma boqolkiiba 2.9 tirada guud ee bulshada.