Maqaal Xul ah
|
Quraan (Af-Carabi: ﺍﻟﻘﺮﺁﻥ) waa kitaabka Alle ﺍﻟﻠﻪ (s.w.t) ku soo dejiyay Nebi Maxamed (n.n.k.h), kaas oo ku qoran luuqada carabiga. Kitaabka Quraanka wuxuu saldhig u yahay diinta Islamka dhamaanteed. Quraanka kariimka ah waa hadalka Ilaahay (ﺍﻟﻠﻪ) kaas oo malaga Jibriil u soo gudbin jirey Nebi Muxamed (n.n.k.h) wakhti 23 sano ah, oo ku bilaabmaysa Diisembar 22keedii sanadkii 609 C.D (Ciise Dabadii), wakhtigaas oo nebigu ahaa 40 jir ilaa markii taariikdhu ahayd 632 Ciise Dabadii, oo ku beegan sanadkii Nabi Maxamed (n.n.k.h) geeriyooday. Sidaa diinta Islaamku sheegtay kitaabka Quraanku waa midka ugu sareeya kitaabyada ee Ilaahay ka ilaalinayo khaladka iyo musuqmaasuqa isla markaana hogaan iyo hanuunin u ah dhamaan aadamaha ku nool dunida.
Kitaabka Quraanka waxaa loo kala saaraa, guud ahaan, labo qeybood oo kala ah Makki (oo ah Quraanka ku soo dagay Nebiga intii uu magaalada Makkah joogay) iyo Madani (oo ah Quraanka ku soo dagay Nebi Muxamed wakhtigii uu magaalada Madiina deganaa). Intaasi kuma eeka qeybaha Quraanku ee waxaa kitaabku u sameeysan yahay nidaam loo yaqaano suurado, kuwaasi oo loo sii kala saaro aayado. Quraanku wuxuu ka kooban yahay boqol toban iyo afar Suuradood kuwaasi ooy ugu horeeyso suurada Al Faatixa (mahnaheedu tahay fur-furitaan ama "bilaabid") oo ka samaysan 7 aayadood ilaa laga gaadho suurada 114 ee Al-Naas (macnaheedu yahay dadka) oo ka kooban 6 aayadood.
Kitaabka Quraanka ah dhexdiisa waxaa ku xusan dhamaan taariikhda, nolosha, tilmaamida iyo hogaanka, wixii horey u dhacay, waxa dhici doona, nolosha dunida, nolosha aakhiro, maalinta qiyaame iyo xisaabta, iyo dhamaan macluumaadka nooleha. Sidoo kale, Ilaahay (s.w.t) wuxuu ugu tallo-galay in kitaabku noqdo mid hogaamiya nolosha dadka. Suurad kasta iyo aayad kasta oo ka mid ah kitaabka Quraanka Kariimka ahi wax ayay tilmaamaysaa isla markaana faraysaa ama ka reebaysaa dadka.
Wadajirka Quraanka iyo Xadiisku waa sharciga saxda ah ee Alle ugu tallo galay in aadamahu isku maamulaan, waxaana loo yaqaanaa Sharciga Shariicada. Intaasi waxaa dheer, Quraanka oo lagu akhrinayo luuqada carabiga ayaa waxa la akhriyaa wakhtiga la tukanayo salaadaha. Qofka xafida 114ta Suuradood ee Quraanka waxaa loo yaqaanaa Xaafid. Jiijiidida iyo qurxinta codka marka la akhrinayo Quraanka waxaa loo yaqaanaa towjiid. Si kastaba ha ahaatee, bisha Ramadaan dadka muslimiinta ahi waxay dhamaystiraan akhrinta dhamaan Quraanka ayagoo ku tukanaya salaada tarawiixda. (SII AQRI)
|
Maqaal Cusub
|
Gen. Daauud Cabdulle Xirsi (1924-1965) wuxuu ahaa Janaraalkii ugu horeeye ey yeelato Soomaaliya isla markaasna ahaa taliyihii ugu horeeyey ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed. Janaraal Daauud wuxuu ku dhashay deegaanka Mareeg ee ka tirsan gobolka Galguduud ee dalka Soomaaliya halkaas oo uu ku dhameeystay aqoontiisa barashada Qur'aanka isagoo da' yar. Muddo sanad ah asagoo ka shaqaynayaa xaafiiska Talyaaniga ee degmada Buuloburde ayuu wuxuu u gudbay magaalada Muqdisho, xoogaa kahor intaan la gaarin Dagaalkii Labaad ee Aduunyada. 1943dii wuxuu ku biiray Ciidamada Booliska ee Ingiriiska oo markaas hayste koonfurta Soomaaliya, Janaral Daauud waxaa uu ka gaaray shaqadiisa ilaa barre (macalin) tababare ka ah Dugsiga Booliiska ee Xamarjajab. Dagaalkii labaad ee Aduunka kadib, horaantii 1950meeyadii ayaa taliskii Talyaaniga ku soo noqday koonfurta Soomaaliya ayaa Janaraal Daauud ku guulayte imtixaan uu u galay leyli sarkaal. Waxaana loo qaaday dalka Talyaaniga halkaas oo uu ku soo dhamaystey tababarkii ciidan ee sarkaalnimada. 1954kii ayuu ku soo laabtay Soomaaliya, wuxuuna ku shaqeynayay sarkaalnimo dhinaca booliiska kadibna wuxuu ka qeyb galay diyaarintii ciidammadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ay markaas abaabulaysey dawladdii uu horkacaaye Cabdullaahi Ciise. Xeerkii lagu dhisay Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa darajadda Janaraalka ah u dalacsiiyay Daauud Cabdulle Xirsi oo noqday taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee ugu horeeyey. waxa uu noqday janaraaldaauud taliyihii ugu da,da yaraa taariikhda soomara ee maamula ciidanka qaranka sidoo kale waxaa lagu xusuustaa janaraal daa'uud cabdulle xersi in uu soo saaray dadka ugu magaca dheeraa xaga ciidanka sida (( j maxamed nuur gallaal, j macamed faarax caaydiid, col c/laahi yuusuf axmed, j c/raxmaan mujrim, j/ c/raxmaan siigeeyste, j/ maxamed liiqliiqato )) iyo in badan oo kale. sidoo kale wuxuu taliye u ahaa kana soo hoos shaqeeyay ee ugu horeeyay ((j maxamed abshir muushe ))iyo ((j maxamed cali samatar , jsalaad gabeyre , j gorgor ))iyo ((j maxamed siyad barre )) oo mar aha madaxweynihii dalka soomaaliya. oo in toodaba sheegeen in eey ka faa'iideen aqoontiisa. (SII AQRI)
|
Xusuusta Wikipedia
|
|
Waa maxaay Wikipedia ?
|
---Qaabka aad wax uga bedeleyso FG. Luqada waa english
Wikipedia (loogu dhawaaqo ˌwiˑkiˈpidi.ə). Waa bar laga helo Web-ka oo ah Qaamuus qoran. Waxaa qorey dad iskood ugu qora luuqadadooda oo aan dawlad ama haayadi diran. Qofkwalba oo guriga khatka internetka ku heysta, yaqaanana sida loo isticmaalo wuu ka qeybqaadan kaaraa Qaamuuskan oo sidii cilmi Soomaaliga ku qoran loo soo gelin lahaa halkan. Arintan oo la bilaabay 2001 Ingiriiskuna (english) ugu horeysey ayaa waxaa ku xigey luuqado badan oo kuwa ugu waaweyn ay yihiin Jarmal , Faransiis , Isbanish iyo Talyaani.
Taariikhdu markii ay ahayd 18/01/2012 ayaa waxa hawada ka baxay wikipedia laakiinse isla maalin ka bacdiba waa ay ku soo noqotay hawada.
|
Dhacdooyinka hadda
|
- Malaysia Airlines Flight 370 (sawirka diyaaradda), kasoo kacday Kuala Lumpur kuna socotay Beijing lana socdeen 239 qof, ayaa lagu waayey Gacanka Thailand.
- Maxkamadda dembiyada dagaalka ayaa ku heshay nin u dhashay kongo ee Germain Katanga dembi.
- 2014 Winter Paralympics 2014 Winter oo la furay Sochi, Ruushka.
- Gobol Ukrain ka mid ah oo la modoobaya Ruushka kuna biiraya Federeeshinka ruushka.
- Gudoomiyaha gobolka Banaadir Muungaab ayaa booqday qaar ka mid ah dagmooyinka xamar.
Warar dheeraad ah...
|
Wiki Wararka – Dhacdooyinka Hadda iyo dheeraad...
|
|
|
Hooyga Wikiga
|
Waxyaabaha ku jira · Hooyga Wikiga · Qaybaha Guud · Lagu soo koobay Xul · Tusmo A-Z
|
Ma Ogtahay...
|
Tamar (ingiriis: Energy) waa astaamaha kartida walaxu leedahay. Guud ahaan tamartu waxaa loo qaybiyaa Tamar falgaleedka, Tamar Cufisjiidadka, Tamar socod, Tamar loodsan, Tamarta danabka iyo Tamarta Niyukliyeerka (bu'eed), laakiin intaas uun kuma koobna ee waxaa jira noocyo badan oo Tamar ah, sida: Tamarta kaydsan. Saynisyahandu waxa ay rumeysan yihiin in cuntada iyo shidaashaba ay ku jiraan waxa la yiraahdo Tamar oo ay tahay tamartaasi tan dadka iyo makiinadahaba u suurtogelisa in ay howl qabtaan, wax yaabaha ugu weyn ay tamartu leedahay waxaa ka mid ah iyada oo isku gediyi karta wejiyo badan. Tamar falgaleedka: Cuntada aynu cunnaa iskudhisyo ayaa ay siisaa muruqyadeenna, marka aynu culays qaadayno ama aan wax riixayno muruqyadeenna ayaa adeegsada iskudhiyadaa, oo ka hela tamarta ay hawsh ku qabtaan. Sida dhabta ah cuntada waa shidaalka dhabta ah ee dadka sida uu u yahay batroolka shidaasha baabuurka, ama naftadu u tahay shidaasha makiinadaha waaweyn. Tamarta laga helo iskudhisyada cuntada iyo shidaasha ayaa la yiraahdaa tamar falgaleed waana nooc ka mid ah tamarta kaydsan. Tamarta Cufisjiidadka: Xabbad leben ah xadhig ku xidh dabadeedna kor u qaad oo miiska korkiisa la sin. Xadhigga kor mari khafiyad dabadeedna culays 1kg kaga xidh caarada kale. Haddii aad sii daysid lebenka hoos u dhacay ayaa qabanaya hawl oo kor u qaadaya culayska halka kiiloogaraamka ah. Markaa waa in uu lebenku yeeshaa tamar marka uu miiska la siman yahay.Tamarta walax kor loo qaaday leedahay waxaa la yiraahdaa Tamar cufisjiidad. Ogow markii aad kor u qaadday xabadda lebenka ah muruqyadaadu waxay adeegsadeen tamar falgaleed, taasoo ah tamarta weji leh ayaa loo geddiyi karaa mid kale. Tamar socod:
- MAQAALKA SII AQRI · Maqaallo kale oo Kala duwan
|
Ma ogtahay dheeraad ka sii aqriso halkaan... |
Sawirka Maanta
|
|
Soo Bandhig Sawirkaada Xulka ah
|
Waxaa La Yiri
|
0
Cadawgaa looma taahee, tunka u adkeey *** Canjeero siday u kala koreysaa loo cunaa (loo kalaqadaa).
Carab iyo ilkaa cid isugu dhaw iyana weeys qaniinaan'. *** Biyo socdaa biyo fadhiyeey kiciyaan.
|
Wiki – Oraah Kale
|
|
Expression error: Unexpected < operator. round 0 }}
Federaal: waaxaa soo batay maalmahaan oraahda ah soomaaliya waa Federaal, Dastuurka Soomaaliya ee ah Federaalka
Waxaa haboon in la dhaho: Sida Saxda ah waa Jamhuuriyadda iyo Dastuur KMG |
maadaama aan afti dadweyne lagu ansixin |
Wikit – Fiira gaar ah ee kale
|
|