Maqaal Xul ah
|
Antarktika (Af-Ingiriis: Antarctica; Af-Carabi: القارة القطبية الجنوبية; loogu dhawaaqo: i/ˈɑrktɪkə/ iyo /ˈɑrtɪkə/) waa qaarada ugu xigta koonfurta Aduunka, taasi oo juquraafi ahaan noqoneysa Cidhifka Koonfureed ee dhulka. Qaarada Antarktika waxay ka mid tahay gobolka Antarktik ee waaxda koonfureed ee dhulka, taasi oo qeyb ka yihiin Iskuwareega Antarktik iyo Bada Koonfureed. Baaxada dhulka Antarktika waa mid aad u balaadhan, waxaana lagu qiyaasay 14.0 milyan kilomitir labo jibaaran (5.4 milyan mayl labo jibaaran), taasi oo ka dhigeysa qaarada shanaad ee ugu weyn aduunka - waxaa ka weyn Afrika, Aasiya, Waqooyiga Ameerika iyo Koonfur Ameerika.
Hadii Antarktika la barbardhigo qaarada Ustareliya weey ku labo laabmaysaa, taasi micnaheedu waa in Ustareliya le'egtahay kala badh Antarktika. Sida la ogyahay ilaa 98% qaarada Antarktika waxaa qariyahay baraf kaasi oo leh dhumuc dhan 1.9 kilomitir (1.2 mayl), kuna fidsan dhamaan deegaanada qaarada marka laga reebo qeybta waqooyi oo kali ah.
Isku celcelis, qaarada Antarktika waa tan ugu qaboow, qalalsan, ee ugu dabaysha badan qaaradaha caalamka oo dhan. Sidoo kale waxay leedahay deegaano badan oo ugu dhaadheer jooga dhulka. Juquraafi ahaan marka laga hadlayo deegaanada Antarktika waxaa lagu tiriyaa lamadegaan (saxare), sababtoo ah waxaa ka da'a roob aad u yar oo mararka qaar ka yar 200 mm (8 in) kaasi oo ku da'a deegaanada xeebaha oo kali ah. Sidoo kale waxaa xusid mudan heerkulka Antarktika, wuxuu inta badan yahay −89 °C (−129 °F), in kastoo marka la iskucelceliyo guud ahaan noqonayso −63 °C (−81 °F).
Dhinaca kale, qaarada Antarktika ma lahan dad si joogto ah ugu dhaqan ama nool deegaanadaadi. Laakiin waxaa wakhtiyo badan oo sanadka ah jooga tiro Saynisyahano iyo cilmibaadhayaal ah oo u dhexeeya 1,000 ilaa 5,000 qof kuwaasi oo ku baahsan dhinacyada qaarada. Noolaha sida dabiiciga ah looga helo qaarada Antarktika waxaa ka mid ah algae, bakteeriya, fungi, xoogaa yar oo dhir ah, brotista, iyo noocyo kooban oo xayawaan ah, sida takfida, qooleeyda, sealska, iyo tardgrade. Dhirta ugu caansan ee laga helo deeganku waa tundra.
Guud ahaan, qaarada Antarktika waa meel aan la kala lahayn (de facto), laakiin waxaa maamula oo gacanta ku haya dowladaha saxeexay "Nidaamka Heshiiska Antarktika". Heshiiskaasi waxaa sanadkii 1959kii saxeexay labo iyo toban wadan, wakhtiyadii ka dambeeyayna waxaa saxeexa ku biiray ilaa 39 wadan kale. Heshiiskaasi wuxuu meesha ka saarayaa in qaarada Antarktika loo isticmaalo siyaabo milatari, in hubka lagu tijaabiyo, in wasakhda hubka lau aaso ama la keeno, in la taageero ajandaha cilmi-baadhista, in macdan laga qoto iyo in la ilaaliyo hawada nadiifta ah ee qaarada. Wadanadii ugu horeeyay waxaa ka mid ah Arjantiina, Ustareliya, Beljimka, Jili, Faransiiska, Jabaan, New Zealand, Norway, Koonfur Afrika, Ruushka, Ingiriiska iyo Maraykanka Cilmibaadhista ka socota qaarada waa mid caalami ah oo ilaa 4,000 aqoon yahay oo caalamka ka kala socda joogaan. (SII AQRI)
|
Maqaal Cusub
|
Koonfur Suudaan ama Jamhuuriyada Koonfurta Suudaan waa dal ku yaal bariga afrika waxaana caasimada u ah Jubba waxeey xad la wadaagtaa Suudaan oo ka xigta woqooyiga, Itoobiya oo ka xigta bariga, Yugandha, Kenya oo ay ka xigaan koonfurta, iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika oo ka xigta galbeedka. Koonfurta suudaan waxey mar ka mid ahaan jirtay dalka Suudaan, waxayna kala go'idooda u sabab noqotay 2dii dagaal ee Suudaan, waa markii ee Koonfurta Suudaan noqotay gobol ka madax banaan. Shacabka reer Koonfur Suudaan waxaa afti laga qaaday 9 Janaayo ilaa 23 Janaayo 2011, waxayna 98,83% doorteen in ay go'aan. Taariikhda markay ehayd 9kii Febraayo 2011, Koonfurta Suudaan waxay ka mid noqotay Qaramada Midoobay, sidaas darteed waxay noqotay wadanka 193aad ee caalamka ama wadanka 54aad ee Qaarada Afrika. Ma jirto taariikh horay looga qoray Koonfurta Suudaan, laakiinse waxaa jirto hadalo afka laga soo dhahay, oo ah in Koonfurta Suudaan markeeda hore ee wada degenaan jireen dad reer baadiya ah, intii aysan imaanin qoomiyadaha Dinka iyo Nuer sanadihii 800. Taariikhda marka ay eheed 1822kii Woqooyiga Suudaan waxaa qabsaday Cusmaaniyiinta Masar, Koonfurta Suudaan way madax banaaneed, laakiin 1899kii ayaa Ingiriiska iyo Masaarida qabsadeen dhamaan woqooyiga iyo koonfurtaba. Sanado yar ka hor intii ay Suudaan ka madaxbanaaneed Ingiriiska, wuxuu Koonfurta Suudaan iyo Woqooyiga Suudaan ula dhaqmi jiray gobolo kala go'an, sababo la xiriiro cabsi laga qabay cuduro. Gobolada waxay xornimadooda heleen 1956kii. Intii aysan madaxbanaanidooda si rasmi ahaan u helin 1955kii, Koonfurta Suudaan iyo Woqooyiga Suudaan waxaa dhexmaray dagaalo oo ay Koonfurta Suudaan ku diidayso in ay hoostagto caasimada Khartuum, dagaaladaas waxay noqdeen kuwa aad u xun oo xukumada Khartuum ku layneeso shacabka Koonfurta Suudaan. (SII AQRI)
|
Xusuusta Wikipedia
|
|
Waa maxaay Wikipedia ?
|
---Qaabka aad wax uga bedeleyso FG. Luqada waa english
Wikipedia (loogu dhawaaqo ˌwiˑkiˈpidi.ə). Waa bar laga helo Web-ka oo ah Qaamuus qoran. Waxaa qorey dad iskood ugu qora luuqadadooda oo aan dawlad ama haayadi diran. Qofkwalba oo guriga khatka internetka ku heysta, yaqaanana sida loo isticmaalo wuu ka qeybqaadan kaaraa Qaamuuskan oo sidii cilmi Soomaaliga ku qoran loo soo gelin lahaa halkan. Arintan oo la bilaabay 2001 Ingiriiskuna (english) ugu horeysey ayaa waxaa ku xigey luuqado badan oo kuwa ugu waaweyn ay yihiin Jarmal , Faransiis , Isbanish iyo Talyaani.
Taariikhdu markii ay ahayd 18/01/2012 ayaa waxa hawada ka baxay wikipedia laakiinse isla maalin ka bacdiba waa ay ku soo noqotay hawada.
|
Dhacdooyinka hadda
|
- Malaysia Airlines Flight 370 (sawirka diyaaradda), kasoo kacday Kuala Lumpur kuna socotay Beijing lana socdeen 239 qof, ayaa lagu waayey Gacanka Thailand.
- Maxkamadda dembiyada dagaalka ayaa ku heshay nin u dhashay kongo ee Germain Katanga dembi.
- 2014 Winter Paralympics 2014 Winter oo la furay Sochi, Ruushka.
- Gobol Ukrain ka mid ah oo la modoobaya Ruushka kuna biiraya Federeeshinka ruushka.
- Gudoomiyaha gobolka Banaadir Muungaab ayaa booqday qaar ka mid ah dagmooyinka xamar.
Warar dheeraad ah...
|
Wiki Wararka – Dhacdooyinka Hadda iyo dheeraad...
|
|
|
Hooyga Wikiga
|
Waxyaabaha ku jira · Hooyga Wikiga · Qaybaha Guud · Lagu soo koobay Xul · Tusmo A-Z
|
Ma Ogtahay...
|
Tamar (ingiriis: Energy) waa astaamaha kartida walaxu leedahay. Guud ahaan tamartu waxaa loo qaybiyaa Tamar falgaleedka, Tamar Cufisjiidadka, Tamar socod, Tamar loodsan, Tamarta danabka iyo Tamarta Niyukliyeerka (bu'eed), laakiin intaas uun kuma koobna ee waxaa jira noocyo badan oo Tamar ah, sida: Tamarta kaydsan. Saynisyahandu waxa ay rumeysan yihiin in cuntada iyo shidaashaba ay ku jiraan waxa la yiraahdo Tamar oo ay tahay tamartaasi tan dadka iyo makiinadahaba u suurtogelisa in ay howl qabtaan, wax yaabaha ugu weyn ay tamartu leedahay waxaa ka mid ah iyada oo isku gediyi karta wejiyo badan. Tamar falgaleedka: Cuntada aynu cunnaa iskudhisyo ayaa ay siisaa muruqyadeenna, marka aynu culays qaadayno ama aan wax riixayno muruqyadeenna ayaa adeegsada iskudhiyadaa, oo ka hela tamarta ay hawsh ku qabtaan. Sida dhabta ah cuntada waa shidaalka dhabta ah ee dadka sida uu u yahay batroolka shidaasha baabuurka, ama naftadu u tahay shidaasha makiinadaha waaweyn. Tamarta laga helo iskudhisyada cuntada iyo shidaasha ayaa la yiraahdaa tamar falgaleed waana nooc ka mid ah tamarta kaydsan. Tamarta Cufisjiidadka: Xabbad leben ah xadhig ku xidh dabadeedna kor u qaad oo miiska korkiisa la sin. Xadhigga kor mari khafiyad dabadeedna culays 1kg kaga xidh caarada kale. Haddii aad sii daysid lebenka hoos u dhacay ayaa qabanaya hawl oo kor u qaadaya culayska halka kiiloogaraamka ah. Markaa waa in uu lebenku yeeshaa tamar marka uu miiska la siman yahay.Tamarta walax kor loo qaaday leedahay waxaa la yiraahdaa Tamar cufisjiidad. Ogow markii aad kor u qaadday xabadda lebenka ah muruqyadaadu waxay adeegsadeen tamar falgaleed, taasoo ah tamarta weji leh ayaa loo geddiyi karaa mid kale. Tamar socod:
- MAQAALKA SII AQRI · Maqaallo kale oo Kala duwan
|
Ma ogtahay dheeraad ka sii aqriso halkaan... |
Sawirka Maanta
|
|
Soo Bandhig Sawirkaada Xulka ah
|
Waxaa La Yiri
|
6
♦Geelu geel fulay gaadhi maaye haka daba fulo. ♦Walaalkaa oo kuu macaan halmar lama wada muudsado.
|
Wiki – Oraah Kale
|
|
Expression error: Unexpected < operator. round 0 }}
Waxay saxaafadda qaarkeed qortaa: Ereyo isgu jira ajnabi iyo soomaali Tusaale ahaan April, Ereyo shaqalka laga qalday Dowlada
Waxaa haboon in loo qoro: Sida Saxda ah waa Abriil iyo Dawladda |
|
Wikit – Fiira gaar ah ee kale
|
|