Maqaal Xul Ah

caasimada Jamhuuriyadda Soomaaliya

Muqdisho (Af-Taliyaani : Mogadiscio, Carabi: مقديشو, Xamar, Carabi: حَمَر) waa caasimada Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxa ayna ku taalaa galbeedka Badweynta Hindiya, waa magaalo qurux badan oo indhuhu soo jiitaan, oo aay badweynta Hindiya kaga wareegsan tahay saddex jiho.

Waxaa magaalada Muqdisho dhidibada loo aasay waqti aad u fog oo aay taariikhyahanada isku qilaafeen in magaaladani la aas'aasay qarnigii 2aad ama kii 3aad ee taariikhda miilaadiga.

Muqdisho waxey ahaan jirtay xarun ganacsi iyo marin kala qeybiya Hindiya iyo Yurub (inta aan la qodin Kanaalka Suwees) iyo jaziirada carabta iyo xeebta Afrikada bari Magaalada Muqdisho waxey ka koobnaan jirtay 6 xaafadood ama tuulo oo aay deganaayeen qabaail, xaafad kasto waxaa xukumi jiray Sheekh, xaafadaha waxey lahaayeen golaha odayaasha sida qaabka federaalka ah oo kulmiya dhamaan xaafadahaas loogana tashan jiray arimaha magaalada Qarnigii 4aad ee miilaadiga magaalada Muqdisho isku badashay nidaam ama maamul u eg saldanad.

Waxaa kaloo Taariikhyahanada isku qilaafeen magaca (Muqdisho) asal ahaan meesha uu kasoo jeedo, waxaa lasheegay in magaalada markeedi hore la dhihi jiray (Xamar) iyo magacyo kale oo lamid ah sida (Xamar weyne) xamar jab jab (Xamar Cade), xamar iyo xamar daye waxaa macquul ah in magacyadaas dhamaan magaalada loogu yeeri jiray waqtiyo kala duwan aay magaalada qadiimka ah aay soo martay, sida isbadalada xaga qaabka dhismaha , degaanka iyo siyaasadaba Qaar kamid ah taariikhyahanada ayaa waxey cadeeyeen magaca (XAMAR ) uu horeeyay , laakinse hadana waxaa aay isku qilaafeen micnaha Xamar , oo ah magac bulshadu aad u taqaan weliba dhanka suugaanta iyo maah maahyada , Soomaalida ilaa iyo waqtigaan aan ku jirno wey adeegsadaan magaca Xamar. (SII AQRI)


Maqaal Cusub

Faylasuuf

'Markis waxa uu dhshay 5 may, 1818 waxa uu dhintay 1883 waxa uu ahaa faylasuuf jarmala asalkjiisu waxa uu ahaa yahuudi waxa kale oo uu ahaa saxafi. waa ninka iska leh ama ay katimi argtida maanta loo yaqaano {markasiga} amaba shuucigan maanta layaqaano. waxa uu inbadan mucaarid ku ahaa rasamaaliyada. markes waxa uu ku dhshay magaalada.{Tareer} ee wadanka Jarmalka. waxa la odhankaraa markes waa cidda keentay ama fakertay shuuciyada caalamka maanta laga yaqaano markas waxa uu ahaa nin aad ugu kacsan ama neceb Rasalmaaliyada sanadii 1842 kadib . markii uu maqaalo ku qoray jariirada looyaqaan (rhennsh sietfun) ee kasoo bixi jirtay xiligaas magaalada kolen ee wadanka jarmalka waxa uu kamidnoqday tifaftirayaasha jariiradaas. Waxa uu kadib kahadlay oo uu wax kaqoray xaaladihii ay markaas ku sugnaayeen mujtamicii uu lanoolaa sanadii 1843 ayaa loosheegay in dib ula noqdo midkamida qoraaladiisii uu jariiradaa ku qoray isla markiiba jariiradii waa laburburiyay isna waa loo hanjabay kadib wuu katagay jarmalka waxa paris halkaas ayuu aad ugu dhexgalay mawduucyada falsafada siyaasadda iyo qaarkale oobadan waxa uu laakiin aad ugasoo horjeeday diinaha, oo waxa uu aminsana in diinta iyo nolosha dadku aanay isku galayn,diintuna ay horumarka hortaagantahay,subxaana laah, kaaraal markes waxa uu leeyahay ama loosameeyay taalooyin aad ubadan uu kuyaala wadama badan oo yuruba. (SII AQRI)


Xusuusta Wikipedia

Maanta Oo Kale
  • 1794 – la aasaasay Ciidanka Bada ee wadanka Maraykanka.
  • 1977 – shilkii ugu xumaa ee diyaarado ayaa ka dhacay Gasiiradaha Kanari, halkaas waxaa ku dhintay 528 qof.

Xusuusta dhacdooyinka maanta

Xusuusta Dhacdooyinka Maanta :

Kuwa ugu muhiimsan Xusuusta dhacdooyinka sanadkaan - Maalmaha sanadkaan oo dhan


Waa maxaay Wikipedia ?

---Qaabka aad wax uga bedeleyso FG. Luqada waa english

Wikipedia (loogu dhawaaqo ˌwiˑkiˈpidi.ə). Waa bar laga helo Web-ka oo ah Qaamuus qoran. Waxaa qorey dad iskood ugu qora luuqadadooda oo aan dawlad ama haayadi diran. Qofkwalba oo guriga khatka internetka ku heysta, yaqaanana sida loo isticmaalo wuu ka qeybqaadan kaaraa Qaamuuskan oo sidii cilmi Soomaaliga ku qoran loo soo gelin lahaa halkan. Arintan oo la bilaabay 2001 Ingiriiskuna (english) ugu horeysey ayaa waxaa ku xigey luuqado badan oo kuwa ugu waaweyn ay yihiin Jarmal , Faransiis , Isbanish iyo Talyaani.

Taariikhdu markii ay ahayd 18/01/2012 ayaa waxa hawada ka baxay wikipedia laakiinse isla maalin ka bacdiba waa ay ku soo noqotay hawada.


Read in another language