Hindiya

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Isuduwe: 21°N 78°E / 21°N 78°E / 21; 78

Jamhuuriyada Hindiya
भारत गणराज्य*
Bhārat Gaṇarājya
Calanka Hindiya Astaannta Qaranka ee Hindiya
Calan Astaannta Qaranka
Qaarada Aasiya
Astaanta Calanka
Vande Mataram
"Waa kuu sujuudaa Hooyo"
Location of Hindiya
Caasimada New Delhi
Luuqada(ha) Looga hadlo Af-Hindi iyo Ingriis
Ka xoroobey Gumeystihii Ingiriiska 
 -  Taakiikh 15 agoosto, 1947 
Area
 -  Total 3,287,240 km2 km² 
1,269,210 sq mi 
 -  Biyo (%) 9.56
Cadadka Dadka
 -  2009 qiyaas 1,182,023,000 
Lacagta hindi rubee
Wakhtiga (UTC+5:30) 
Furaha debeda +91
Hindiya

Hindiya ama Jamhuuriyadda Hindiya waa wadan ku yaala Aasiya waana wadanka Aduunka ugu dadka tirada badan marka laga reebo Shiinaha. Wadanka waxoo xuduud la leeyahay, wadamada Bakistaan, Shiinaha, Nebal, Butaan, Bangladesh iyo Burma. Dhinaca xeebaha neh waxoo xuduud la leeyahay wadamada Siri Laanka, Jasiirada Maldiif, iyo Indonesia. Magaalo madaxda wadanka waa New Delhi. Wadanka Hindiya waxaa degan dad gaaraayo in ka badan 1 Biliyan oo qof, waxaana lagu hadlaa luqado gaareeso in kabadan 100af. Hindiya waa wadanka afaraad oo ugu ganacsiga badan aduunka.

Taariikh[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Hindiya waxee leedahay Taariikh aad u dheer. wadanka waxuu jiri jiray kumanaan sano kahor. Gumeestihii ingriiska ayaa soo gumeestay Hindiya iyo pakistaan, markooda hore waxee ahaayeen hal wadan. waxeenaxornimada qateen1947kii, waa markii ee Bakistaan iyo Bangladesh ee ka go'day Hindiya.pakistan waxee hindiya ooga go'day kala duwanaashaha diinta. Hindiya waa wadan laga caabudo hindu, pakistaana waa wadan muslimiinta ku badanyihiin labada qeebood dagaalo badan ayaa dhexmaray sanado badan. Kadib sanadka marka uu ahaa 1948kii ilaa 49kii, Hindiya iyo pakistaan waxaa ka dhex jiray dagaalo dagaaladaas oo sabab u eheed kala qeebintii Gobolka Kashmir. Luqada ugu ween oo Hindiya looga hadlo waa af hindi iyo luuqada ingriiska Wadanka Hindiya waxaa laga caabudaa Lo'da

siyaasiinta[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

doorashaddii ka dhacday hindiya 2007ii, waxaa madaxtinimada ku guuleestay, abuukaataha Pratibha Patil, waa naagta ugu horeeysay oo madaxweyne ka noqotay, wadanka Hindiya.

Dhaqanka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Hindida waxee Khatar kuyihiin film soo saarka iyo heesaha, waxeena ka midyihiin kuwa aduunka ugu film soo saarka badan. Filmaha hindida waxaa badanaa aduunka looga yaqaanaa, Bollywood. Waxee isku magac egyihiin Hollywood laakiin Bollywood waxee soo saartaa filmada hindida kaliya. heesaha iyo filmaha hindida waxoo ka koobanyahay Jaceel. filmada hindida waxaa laga daawadaa wadamo badan oo ku yaalo Aasiya iyo geeska afrika, gaar ahaan, somalida oo xiiseeso.

Juquraafi[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Hindiya goboladeeda dhinaca woqooi bari, waxaa kaga dhagan (Himalaaya) qeebaha kale ee woqooyiga, dhaxbartanka ilaa dhinaca bariga waxaa ka baxo beero aad u badan oo dalag faro badan laga gurto. Dhinaca galbeedka oo xuduudka pakistaan kaga dhegenyahay waxaa ku yaalo saxaarada dahaar, Koonfurta wadanka waa meel baadiyo ah. Wadanka Hindiya waxuu leeyahay wabiyaal aad u badan oo waaweyn iyo Jasiirado markooda hore ka sameesmay fulkaano.

Jawiga[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Hindiya waa wadan dhax dhaxaad ah, oo roob ka da'o.

Gobolada[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Gobolada hindiya waxee ka koobantahay 28 gobol.