Iiraan

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Isuduwe: 32°N 53°E / 32°N 53°E / 32; 53

Jamhuuriyadda Islaamiga Iiraan
جمهوری اسلامی ایران
Jomhuri-ye Islāmi-ye Irān
Calanka Iswiidhan Astaannta Qaranka ee Iswiidhan
Calan Astaannta Qaranka
Astaanta Calanka
Sorūd-e Mellī-e Īrān
Location of Iswiidhan
Caasimada Tahraan
Luuqada(ha) Looga hadlo Af-Faarsi
 -  Hogaamiyaasha Islaamiga Iiran Cali khumanay
 -  Madaxweyne Hassan Rohani
Area
 -  Total 1,648,195 km2 km² 
636,372 sq mi 
 -  Biyo (%) 0,7
Cadadka Dadka
 -  2009 qiyaas 74,196,0002 
Lacagta Riyaal (IRR)
Wakhtiga (UTC+3:30) 



Iiraan (Af-Faarsi: ایران ama lagu dhawaaqo, jamhuuriyadda Islaamiga Iiraan,(Af-Faarsi: جمهوری اسلامی ایران) waa wadan ween oo ku yaalo qaarada Aasiya ama bartamaha Yuruaasiya. Wadanka Iiraan wuxuu xuduud la leeyahay wadamada Bakistaan, Afgaanistan, Turkmenistan, Aserbiijaan,Armania,Turki iyo Ciraaq. Iiraan waxee xeebo ku leedahay, Bada Qazwiin oo ka xigta Woqooyiga iyo Gacanka faarsiga iyo Gacanka Cumaan oo ka xigta Koonfur.

Qoraalka gudaha oo kooban

Taariikh[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Iiraan waxee leedahay taariikh dheer oo raacsan boqortii Faarsiga. Iiraan markeeda hore waxaa xukumi jiray Boqortii faarsiga, shacabka iiraan waxee mar doorteen isbedel, sanadka marka oo dhaxeeyay 1905tii ilaa 1911, wadanka iiraan waxaa lagasameeyay Baarlamaankii ugu horeeyay. 1953ii waxaa xukunka laga qaaday, Maxamed Mossadeg oo ahaa raiisul wasaaraha iiraan, wuxuuna raiisul wasaare ahaa ilaa sanadka marka uu ahaa 1951ii, waxaa ku xigay Mohammad Reza Pahlavi oo asiga neh xukunka looga qaaday kacdoonkii iraan, sanadka marka oo ahaa 1979. 1 sano oo waxaa jirtay oo muran kadhaxeeyay siyaasiinta iiraan. isla markaas neh waxaa dhashtay xukunkii Ayatullah Khomayni oo wadanka ka sameesay Jamhuuriyad islaami ah. Siyaasiinta cusub oo ka dhalatay iiraan waxee ahaayeen, kuwo necbaa siyaasiinta wadamada galbeedka, gaar ahaan kuwa maraykanka. 1980kii iraan waxaa soo weeraray Ciraaq, oo halkaas ka dhashtay Dagaalkii iraan iyo Ciraaq oo socday ilaa 1988ii, waxaa ku dhintay dad u dhaxeeyo 500,000 ilaa 1,000,000 oo qof, dagaalada kadib madaxweynaha iraan Akbar Hashemi Rafsanjani iyo wasiiradiisa waxee ku dadaaleen, dhismaha dhaqaalaha wadanka. Iraan dagaalada kadib xisbiyaal badan ayaa dhashtay oo ku tartamo horumarka iyo jidka oo wadanka maraayo.

Juquraafi[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Iraan waa wadanka 18aad oo ugu ween aduunka. Wadanka waxaa ku yaalo buuro badan gaar ahaan dhinaca galbeedka. dhinaca waqooyiga neh waa meel geedo waaween ka baxaan, dhinaca Bariga neh waa meel saxaaro ah, Koonfurta wadanka waxaa ku wareegan Gacanka Faarsiga iyo Gacanka Cumaan.


Jawiga[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

iraan waa wadan qaleel ah, laakiin dhinaca woqooyiga jawiga wuxuu isku bedelaa qaboow iyo kuleel.

Dhaqanka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]