Adhi

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Domestic Goat
Xaalad xilliyeed: .01–0Ma
Neolithic - Recent
a pygmy goat
Xaalad xanaaneed
Hayinoggol ah
Abla-ablayn cilmi ah
Boqortooyo: Animalia
Faylum: Chordata
Faylamyar: Mammalia
Gacal: Artiodactyla
Dir: Bovidae
Bah: Caprinae
Sinji: Capra
Jinsi: C. aegagrus
Subspecies: C. a. hircus
Tibix saddex magac
Capra aegagrus hircus
(Linnaeus, 1758)
Magac macna wadaag
Capra hircus
Adhi
Ilmaha adhiga waxa loo yaqaanaa neylo iyo waxaro.
Ri' iyo labo ilmo adhi ah: waxar iyo neyl.
Goats in Somaliland.jpg

Adhi sidoo kale loo yaqaano Ari (Af-Carabi: ماعز Af-Laatiin iyo Taliyaani: capra Af-Ingiriis: goat Amxaari: ፍየል) waa xoolo gurijoog ah oo dadku dhaqdaan. Adhigu waa xoolo naasley ah, kuwaas oo ubucda hoose ku leh labo naasood oo laga helo caano.

Adhiga kiisa lab waxaa loo yaqaanaa orgi, halka mida dhedig lagu magacaabo ri'. Adhigu markuu yaryahay labka waxaa loo yaqaanaa neyl, mida dhedigna waa waxar.

Inkastoo ay jiraan in ka badan 300 oo nooc oo adhi ah, hadana xoolaha ugu dhow adhiga ee qaraabada dhow yihiin waxa ka mid ahidaha, adhiga duurjoogta ah iyo sagaarada.

Wakhti imika laga joogo 10,000 oo sano ka hor, ayaa wadanka Iiraan lagu dhaqan jirey adhiga, laakiin waxaa la aaminsan yahay in wakhti intaas ka badan ka hor dadku dhaqan jirey adhiga. Sida la sheego, dadkii ugu hooreeyay wax beerida ayaa carbistey adhigii ugu horeeyay sababtoo ah caanaha, hilibka, dhogorta iyo timaha hargaha oo laga sameeyo dhar, lafaha ooy u isticmaali jireen adeeygeeda, digada oo carada lagu nafaqeeyo ayaa muhiim u ahaa dadkaas beeraleyda ah.

Commons-logo.svg
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: