Maqaal Xul ah
|
Dallas (/ˈdæləs/) waa magaalo aad u weyn oo ku taala gobolka Tegsaas ee wadanka Maraykanka. Magaalada Dallas waa tan 4aad ee ugu weyn magaalooyinka wadanka Maraykanka marka loo eego baaxad ahaan, laakiin waa mida 3aad ee ugu dadka badan gobolka Tegsas, marka laga reebo Houston iyo San Antonio.
Jiritaanka caasimadan waxay ka soo unkantay taariikh ahaan waa helitaanka iyo qodida saliida iyo cudbiga, waxaana aad u caawiyay ineey korto oo fido wadooyinka tareenka ee iskugu yimaada badhtamaha magaalada. Intaas waxaa dheer, magaaladani waxay fadhi u tahay dowlada Dallas County, laakiin waxay gaadhsan tahay ilaa Kolin County, Denton County, Kaufman County iyo Rockwall county, kuwaasi oo dhamaan ku hareersan magaalda. Tiro koob dadka ah oo dowlada wadanka Maraykanku sameeysay sanadkii 2010ka ayaa lagu ogaaday in magaalada Dallas leedahay shacab ku dhaqan oo gaadhaya ilaa 1,197,816, midaasi oo sii kortay sanadihii xigay ilaa sanadkii 2014ka la sheegay in shacabka magaaladu gaadheen 1,281,047.
Xaga dhaqaalaha waxaa la sheegay in Dallas tahay magaalada 6aad ee ugu dhaqaalaha badan wadanka Maraykanka, mida koowaad ee 12ka kowni ee la isku yidhaahdo "DWP", iyo mida 3aad ee ugu awooda badan gobolka Tegsas. Waxaana sanadkii 2013ka lagu xusay dhaqaalaha magaaladan GDP of $448 bilyan. Sidoo kale waxay Dallas tahay magaalada ugu koritaanka badan ee wadanka Maraykanka; iyo mid ka mid ah afarta magaalo ee ugu shaqada badan dalkaasi dhexdiisa, (waxaa ka horeeya oo kali ah magaalooyinka New York, Los Angeles iyo Chicago).
Dhaqaalaha magaalada Dallas wuxuu ku dhisan yahay ganacsiga, wershadaha, tamarta, teknoolojiyada casriga ah, bankiyada, soo saarida koombuyuutarada, isgaadhsiinta, caafimaadka iyo cilmi-baadhista. Waxaana degan magaaladan qaar ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn wadanka Maraykanka, sida "Fortune 500" Waxaa magaaladan loo aqoonsaday wakhtiyada dambe ineey Dallas tahay mid ka mid ah caasimadaha ugu waaweyn dunida, ayadoo ah magaalo caalami ah iyo mida 14aad ee ugu GDP sareeysa caalamka.
Magaalada Dallas waxay dhacdaa waqooyiga gobolka Tegsas, waana xarun weyn oo isgaadhsiin gaadiidka cirka iyo dhulka, waxayna isku xidhaa deegaanada koonfurta gobolkaasi iyo waqooyiga. Intaas waxaa dheer, magaalada Dallas waxay leedahay mid ka mid ah gego diyaarad kuwa mashquulka badan caalamka, halkaasi oo tiro badan oo diyaarado ah isku weeydaartaan saacad kasta. (SII AQRI)
|
Maqaal Cusub
|
Gen. Daauud Cabdulle Xirsi (1924-1965) wuxuu ahaa Janaraalkii ugu horeeye ey yeelato Soomaaliya isla markaasna ahaa taliyihii ugu horeeyey ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed. Janaraal Daauud wuxuu ku dhashay deegaanka Mareeg ee ka tirsan gobolka Galguduud ee dalka Soomaaliya halkaas oo uu ku dhameeystay aqoontiisa barashada Qur'aanka isagoo da' yar. Muddo sanad ah asagoo ka shaqaynayaa xaafiiska Talyaaniga ee degmada Buuloburde ayuu wuxuu u gudbay magaalada Muqdisho, xoogaa kahor intaan la gaarin Dagaalkii Labaad ee Aduunyada. 1943dii wuxuu ku biiray Ciidamada Booliska ee Ingiriiska oo markaas hayste koonfurta Soomaaliya, Janaral Daauud waxaa uu ka gaaray shaqadiisa ilaa barre (macalin) tababare ka ah Dugsiga Booliiska ee Xamarjajab. Dagaalkii labaad ee Aduunka kadib, horaantii 1950meeyadii ayaa taliskii Talyaaniga ku soo noqday koonfurta Soomaaliya ayaa Janaraal Daauud ku guulayte imtixaan uu u galay leyli sarkaal. Waxaana loo qaaday dalka Talyaaniga halkaas oo uu ku soo dhamaystey tababarkii ciidan ee sarkaalnimada. 1954kii ayuu ku soo laabtay Soomaaliya, wuxuuna ku shaqeynayay sarkaalnimo dhinaca booliiska kadibna wuxuu ka qeyb galay diyaarintii ciidammadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ay markaas abaabulaysey dawladdii uu horkacaaye Cabdullaahi Ciise. Xeerkii lagu dhisay Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa darajadda Janaraalka ah u dalacsiiyay Daauud Cabdulle Xirsi oo noqday taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee ugu horeeyey. waxa uu noqday janaraaldaauud taliyihii ugu da,da yaraa taariikhda soomara ee maamula ciidanka qaranka sidoo kale waxaa lagu xusuustaa janaraal daa'uud cabdulle xersi in uu soo saaray dadka ugu magaca dheeraa xaga ciidanka sida (( j maxamed nuur gallaal, j macamed faarax caaydiid, col c/laahi yuusuf axmed, j c/raxmaan mujrim, j/ c/raxmaan siigeeyste, j/ maxamed liiqliiqato )) iyo in badan oo kale. sidoo kale wuxuu taliye u ahaa kana soo hoos shaqeeyay ee ugu horeeyay ((j maxamed abshir muushe ))iyo ((j maxamed cali samatar , jsalaad gabeyre , j gorgor ))iyo ((j maxamed siyad barre )) oo mar aha madaxweynihii dalka soomaaliya. oo in toodaba sheegeen in eey ka faa'iideen aqoontiisa. (SII AQRI)
|
Xusuusta Wikipedia
|
|
Waa maxaay Wikipedia ?
|
---Qaabka aad wax uga bedeleyso FG. Luqada waa english
Wikipedia (loogu dhawaaqo ˌwiˑkiˈpidi.ə). Waa bar laga helo Web-ka oo ah Qaamuus qoran. Waxaa qorey dad iskood ugu qora luuqadadooda oo aan dawlad ama haayadi diran. Qofkwalba oo guriga khatka internetka ku heysta, yaqaanana sida loo isticmaalo wuu ka qeybqaadan kaaraa Qaamuuskan oo sidii cilmi Soomaaliga ku qoran loo soo gelin lahaa halkan. Arintan oo la bilaabay 2001 Ingiriiskuna (english) ugu horeysey ayaa waxaa ku xigey luuqado badan oo kuwa ugu waaweyn ay yihiin Jarmal , Faransiis , Isbanish iyo Talyaani.
Taariikhdu markii ay ahayd 18/01/2012 ayaa waxa hawada ka baxay wikipedia laakiinse isla maalin ka bacdiba waa ay ku soo noqotay hawada.
|
Dhacdooyinka hadda
|
- Malaysia Airlines Flight 370 (sawirka diyaaradda), kasoo kacday Kuala Lumpur kuna socotay Beijing lana socdeen 239 qof, ayaa lagu waayey Gacanka Thailand.
- Maxkamadda dembiyada dagaalka ayaa ku heshay nin u dhashay kongo ee Germain Katanga dembi.
- 2014 Winter Paralympics 2014 Winter oo la furay Sochi, Ruushka.
- Gobol Ukrain ka mid ah oo la modoobaya Ruushka kuna biiraya Federeeshinka ruushka.
- Gudoomiyaha gobolka Banaadir Muungaab ayaa booqday qaar ka mid ah dagmooyinka xamar.
Warar dheeraad ah...
|
Wiki Wararka – Dhacdooyinka Hadda iyo dheeraad...
|
|
|
Hooyga Wikiga
|
Waxyaabaha ku jira · Hooyga Wikiga · Qaybaha Guud · Lagu soo koobay Xul · Tusmo A-Z
|
Ma Ogtahay...
|
Tirignoometeri (Ingriis: Trigonometry) (Talyaani: Trigonometria) (Carabi: حساب مثلثات) Waa xaqiiqooyin iyo xeerar ka dhexeeya saddexgallada dhinacyadooda iyo xaglahooda. Waxa kale oo tirignoometeriga lagu isticmaalaa warshadaha, sahminta dhulka iyo sayniskaba.
Xiddigta innoogu dhawi waxay inoo jirtaa 4.1 sanad ilays (sanad ilays waa fogaanta ilaysku socdo muddo sanad ah iyadoo iyadoo uu sekenkiiba gooynayo 186,000 mayl). Markaa 4.1 sanad ilays wuxuu la mid yahay, hadii aan kiiloomitir ku sheegno 38,400,000,000 km. Haddaba sideebaa loo qiyaasay fogaanta intaa le'eg? Waxaa lagu soo saaray qaybta xisaabta loo yaqaan trignoometeri.
Saddexagallo Xagal Qumman
Sida la ogyahay saddexda dhinac ee saddexagalka xagasha qummani ay xiriir leeyihiin , taasoo ahayd in shakaalka dhinaca u dheer oo labdajibaarani uu le'eg yahay wadarta labajibbarrada ee labada dhinac ee kale.
S2 = a2 + b2
Jidkaan wuxuu inoo suura gelinayaa in aynu dhinaca maqan raadin karno haddii aynu haysanno labada dhinac ee kale.
- Saamiyada tirignoometeriga
Haddii dhawr saddexagal oo xagal qumani ay xagal fiiqan iska le'eg yihiin, markaa dhammaan waa in ay isku qaab noqdaan. Waxaa la yiraahdaa saddexagallo isu eg. Waayo hore ayaynu uqaadanay, in haddii laba saddexagal is xaglo le'ekaadaan ay markaa isu egyihiin. Sidaa daraadeed laba saddexagal xaglo qumman oo kasta hadii ay isu egyihiin, saamiyada laba dhinac ee midkood waa inuu le'ekaadaa saamiga dhinacyada kale ee kuwaas la gudboon. Tusaale ahaan shaxanka
- = =
- ama = =
- = =
Waxaan aragnaa in saamiyaashu iswada le'eg yihiin. Dhamaantood waa dhinaca ka soo horjeeda xagasha fiiqan 30° ah oo loo qaybshay shakaalka.
waana qaabkaan:
1) Shakaal = dhinaca ugu dheer ee xagasha qumman ka horjeeda.
2) Deris = dhinaca xiga xagasha fiiqan ee lagu siiyo.
3) Horjeede = dhinaca xagasha fiiqan ee lagu siiyo ka soo horjeeda.
- MAQAALKA SII AQRI · Maqaallo kale oo Kala duwan
|
Ma ogtahay dheeraad ka sii aqriso halkaan... |
Sawirka Maanta
|
|
Soo Bandhig Sawirkaada Xulka ah
|
Waxaa La Yiri
|
5
Afar walxaato dha ku taal
soomaalidoo dhan waa dhibkeed:
(1).Inta dhigeyga meel dhigtaan dheeraad rabaahu waa dhibkeed
(2.)Dhibya xumoon dhamaad leheyn abaal ladhaamo waa dhibkeed
( 3).Dhaqanya marti dhowrideed in lagu dheelo waa dhibkeed
(4.)Dhulkaaga igusoo dhaweey dhaxalna sheego waa dhibkeed.
Shirib
|
Wiki – Oraah Kale
|
|
Expression error: Unexpected < operator. round 0 }}
Waxay saxaafadda qaarkeed qortaa: Ereyo isgu jira ajnabi iyo soomaali Tusaale ahaan April, Ereyo shaqalka laga qalday Dowlada
Waxaa haboon in loo qoro: Sida Saxda ah waa Abriil iyo Dawladda |
|
Wikit – Fiira gaar ah ee kale
|
|