Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa maanta la filayaa in uu soo bandhigo qorshe uu doonayo in uu dalka ku xasiliyo marka uu kulan deg deg ah la yeesho golahiisa amniga. Tan iyo markii uu fashilmay inqilaab milatari oo la doonayay in dowladdiisa lagu rido ayaa waxaa la soo qab-qabtay ama shaqada laga saarayba 50 kun oo qof oo isugu jiro laamaha ammaanka, iyo