Kumannaan bukaan oo la xanuunsanaya cudurrada ku dhaca dhimirka aduunka oo dhan ayaa la xaqiraa xuquuqdooda bini aadanimo, waa la takooraa, xadgudubyo maskaxeed iyo kuwa jireed ayaa loo gaystaa iyaga oo aan helin adeeg caafimaad oo ku filan. Dunida waxa maanta laga xusayaa maalinta cudurka dhimirka, Soomaaliya bukaanada ka qaba cudurrada ku dhaca dhimirka ma helaan adeegyo