Maqaal Xul ah
|
Cuf is-jiidad (ingiriis: Gravity) waa awood dabiici ah oo aan la arki karin oo aan la maqli karin laakiin la dareemi karo. Garaafiti waa awoodda ay yeeshaan sheyyadda miisaan oona ku heysa dhulka. Tusaale ahaan haddii aad shey kor u tuurtid hoos ayuu u soo dhacayaa. Waxa sababa in shey walba oo kor loo tuuro uu hoos ugu soo dhaco waa awooda la yiraahdo Cuf is-jiidad ayaa hoos u soo jiidata. Sheyyada waaweyn ee dabiiciga ah sida dhulka, dayaxa, qorraxda iyo xiddigaha waxey leeyihiin awood Cuf is-jiidad la yiraahdo oo wixii u soo dhawaada wey soo jiitaan.
Sheyyada waaweyn ee dabiiciga ah sida dhulka, dayaxa iyo qorraxda way kala Cuf is-jiidad badan yihiin. Mid ba' midka uu ka weyn yahay wuu ka Cuf is-jiidad badan yahay. Tusaale ahaan awooda Cuf is-jiidad ee uu dhulka leeyahay waxey ka xoog badan tahay awooda Cuf is-jiidad ee uu dayaxa leeyahay sababtoo ah dhulka ayaa ka weyn dayaxa. Awooda Cuf is-jiidad ee ay qorraxda leedahay waxay ka xoog badan tahay tan dhulka uu leeyahay sababtoo ah qorraxda way ka weyn tahay dhulka.
Dayaxa wuxuu ku meereystaa dhulka oo waxaa soo jiita Cuf is-jiidad dhulka. Dhulka wuxuu ku meereystaa qorraxda oo waxaa soo jiita Cuf is-jiidad qorraxda. (SII AQRI)
|
Maqaal Cusub
|
Dadka Soomaaliyeed (Af-Carabi: الصوماليون) waa dad ku nool Geeska Afrika Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Waxayna ku hadlaan Af-Soomaali Waana mid kamid ah Luqadaha Kushitiga Faraceeda Afro Aasiya.
Soomaalida Waxaa kala qaybiyey Gumeysigii qarnigii 19aad, kaas oo ukala qaybsaday 5 qaybood oo Kala ah:
- Loona yaqaan Soomaaliweyn
Waxay wada leeyihiin dhaqan iyo luqad Ay wadaagaan. Somalida waxay ku kala nool yihiin, qurbaha iyo dhulka Soomaaliya gaar ahaan Soomaaliweyn . Soomaalida badankooda waa dad reer guuraah ah, waxaana lagu yaqaanaa, xoolo dhaqasho, sida ariga iyo geela iyo Lo'da. Soomaalida waxay ahaayeen dad ku dagaalama daaqqa xoolaha iyo Biyah. Dadka soomaaliyeed waxaa dibadda uhaajiray ku dhowaadb ilaa iyo 5 Malyan. maadaamaa dalku ku jiray in kabadan 20 sano oo dagaal ah, Dhanka diinta soomaaliya waxaa aad awood ugu leh suufinimada suufiyada soomaali xoogaa waa ka duwan yihiin suufiyada dalalka qaarkood inkastoo ay aqoonta diintuu ay sii yaraanayso. (SII AQRI)
|
Xusuusta Wikipedia
|
|
Waa maxaay Wikipedia ?
|
Wikipedia (loogu dhawaaqo ˌwiˑkiˈpidi.ə). Waa bar laga helo Web-ka oo ah Qaamuus qoran. Waxaa qorey dad iskood ugu qora luuqadadooda oo aan dawlad ama haayadi diran. Qofkwalba oo guriga khatka internetka ku heysta, yaqaanana sida loo isticmaalo wuu ka qeybqaadan kaaraa Qaamuuskan oo sidii cilmi Soomaaliga ku qoran loo soo gelin lahaa halkan. Arintan oo la bilaabay 2001 Ingiriiskuna (english) ugu horeysey ayaa waxaa ku xigey luuqado badan oo kuwa ugu waaweyn ay yihiin Jarmal , Faransiis , Isbanish iyo Talyaani.
Taariikhdu markii ay ahayd 18/01/2012 ayaa waxa hawada ka baxay wikipedia laakiinse isla maalin ka bacdiba waa ay ku soo noqotay hawada.
|
Dhacdooyinka hadda
|
- Malaysia Airlines Flight 370 (sawirka diyaaradda), kasoo kacday Kuala Lumpur kuna socotay Beijing lana socdeen 239 qof, ayaa lagu waayey Gacanka Thailand.
- Maxkamadda dembiyada dagaalka ayaa ku heshay nin u dhashay kongo ee Germain Katanga dembi.
- 2014 Winter Paralympics 2014 Winter oo la furay Sochi, Ruushka.
- Gobol Ukrain ka mid ah oo la modoobaya Ruushka kuna biiraya Federeeshinka ruushka.
- Gudoomiyaha gobolka Banaadir Muungaab ayaa booqday qaar ka mid ah dagmooyinka xamar.
Warar dheeraad ah...
|
Wiki Wararka – Dhacdooyinka Hadda iyo dheeraad...
|
|
|
Hooyga Wikiga
|
Waxyaabaha ku jira · Hooyga Wikiga · Qaybaha Guud · Lagu soo koobay Xul · Tusmo A-Z
|
Ma Ogtahay...
|
Tamar (ingiriis: Energy) waa astaamaha kartida walaxu leedahay. Guud ahaan tamartu waxaa loo qaybiyaa Tamar falgaleedka, Tamar Cufisjiidadka, Tamar socod, Tamar loodsan, Tamarta danabka iyo Tamarta Niyukliyeerka (bu'eed), laakiin intaas uun kuma koobna ee waxaa jira noocyo badan oo Tamar ah, sida: Tamarta kaydsan. Saynisyahandu waxa ay rumeysan yihiin in cuntada iyo shidaashaba ay ku jiraan waxa la yiraahdo Tamar oo ay tahay tamartaasi tan dadka iyo makiinadahaba u suurtogelisa in ay howl qabtaan, wax yaabaha ugu weyn ay tamartu leedahay waxaa ka mid ah iyada oo isku gediyi karta wejiyo badan. Tamar falgaleedka: Cuntada aynu cunnaa iskudhisyo ayaa ay siisaa muruqyadeenna, marka aynu culays qaadayno ama aan wax riixayno muruqyadeenna ayaa adeegsada iskudhiyadaa, oo ka hela tamarta ay hawsh ku qabtaan. Sida dhabta ah cuntada waa shidaalka dhabta ah ee dadka sida uu u yahay batroolka shidaasha baabuurka, ama naftadu u tahay shidaasha makiinadaha waaweyn. Tamarta laga helo iskudhisyada cuntada iyo shidaasha ayaa la yiraahdaa tamar falgaleed waana nooc ka mid ah tamarta kaydsan. Tamarta Cufisjiidadka: Xabbad leben ah xadhig ku xidh dabadeedna kor u qaad oo miiska korkiisa la sin. Xadhigga kor mari khafiyad dabadeedna culays 1kg kaga xidh caarada kale. Haddii aad sii daysid lebenka hoos u dhacay ayaa qabanaya hawl oo kor u qaadaya culayska halka kiiloogaraamka ah. Markaa waa in uu lebenku yeeshaa tamar marka uu miiska la siman yahay.Tamarta walax kor loo qaaday leedahay waxaa la yiraahdaa Tamar cufisjiidad. Ogow markii aad kor u qaadday xabadda lebenka ah muruqyadaadu waxay adeegsadeen tamar falgaleed, taasoo ah tamarta weji leh ayaa loo geddiyi karaa mid kale. Tamar socod:
- MAQAALKA SII AQRI · Maqaallo kale oo Kala duwan
|
Ma ogtahay dheeraad ka sii aqriso halkaan... |
Sawirka Maanta
|
|
Soo Bandhig Sawirkaada Xulka ah
|
Waxaa La Yiri
|
3
Minjo dhooqo leh, marba mid baa la siibaa ama la'qadaa *** Naag, naag ka umulisay iyo nin reer u weyni, midna siday wax u ogyihiin uma sheegaan.
Xoolo quureed waa la qaataa, soor quureedse lama qaato. *** Wax aanad filaneyn iyo fallaari waa kaa fuc siiyaan ( fajaciyaan).
—Waxaa la yiri---
|
Wiki – Oraah Kale
|
|
Expression error: Unexpected < operator. round 0 }}
Waxay saxaafadda qaarkeed qortaa: Ereyo isgu jira ajnabi iyo soomaali Tusaale ahaan April, Ereyo shaqalka laga qalday Dowlada
Waxaa haboon in loo qoro: Sida Saxda ah waa Abriil iyo Dawladda |
|
Wikit – Fiira gaar ah ee kale
|
|