Doorashada Sudan oo dhammaatay
- 17 Abriil 2015
Doorashada guud ee Sudan ayaa soo gabagabowday. Codeynta waa mid uu muran ka taagan yahay. Inta badan axsaabta mucaaradka way qaadeceen, iyagoo sheegaya inaysan cadaalad noqon karin. Waxayna u badan tahay in madaxweyne Cumar Al-bashiir dib loo doorto.
Kormeerayaasha midowga Afrika ayaa sheegay in natiijada ay muujineyso rabitaanka kuwa codkooda dhiibtay, balse waxa ay tilmaameen in aasaaska xuriyadda iyo xuquuqda ay diideen dad badan ay sare u qaadi lahayd doorashada.
Intabadan dalalka reer galbeedka waxa ay horey u sheegeen in codeynta aysan marna suuragal ahayn inay noqoto mid xor iyo cadaalad ah.
Maalmaha doorashada socotay ayaa la kordhiyay, oo laga dhigay afar maalin si dad badan loogu qalqaaliyo inay codeeyaan, dad badan oo u soo baxana waxay awood siin lahayd madaxtinimada Cumar Al-bashiir, kaas oo hadda aad ay u badan tahay inuu markale guuleysto.
Sikastaba, madaxa kooxda korjoogtada ee midowga Afrika, Olusegun Obasanjo, ayaa dadka codeeyay ku qiyaasay 30 ama 35 boqolkiiba.