Maqaal Xul ah
|
Jaad ama Qaad sidoo kale loo yaqaano Miira waa geed balwad ahaan loo isticmaalo waa geed caleentiisu ay cagaarantahay xogaa guduud ku jiro, dhererkiisa waxa uu gaaraa 2 ilaa 5 Mitir, waxaana lagacunaa dalal dhawra oo ay kamid yihiin Soomaaliya, Djibouti, Yaman, Itoobiya, Kiinya iyo wadano kale oo badan.
Geedkaan asal ahaan badidiisa waxa uu kabaxaa dalalka Itoobiya, Yamaniyo Kenya, waxa uuna leeyahay noocyo badan waxana uu aad ugu faafay oo uu saamayn wayn ku yeeshay wadanka Soomaaliya so si aad ah looga cuno. Dadka qaadka cuna aad ayay u amaana laakiin dhakhaatiirtu waxay ku sheegaan in uu caafimaadka wax u dhimi karo. Marka la cuno qaadka waxa uu keenaa waxyaabo badan sida hurdo la'aan iyo cuntada oo qofku abateed u waayo. Dalal badan oo dunida ah qaadka cunistiisa iyo iibintiisa intaba lagama ogola. Dalalkani waxay u aqoonsan yihiin geedka qaadka ah in uu ka mid yahay maan-dooriyeyaasha. Sidaas ay tahay, waxa jira dalal reer galbeed ah oo qaadku xor ka yahay. waxa ka mid ah dalalkaas Ingriiska, Holland, Finland iyo kuwo kale. (SII AQRI)
|
Maqaal Cusub
|
Kiinya waa wadan dhaca bariga Afrika. Waxey xad la wadaagtaa wadamada Tansaaniya , Ugaandha, Soomaaliya iyo Itoobiya . Dhinaca barina waxaa kaga dhagan Badweynta Hindiya. caasimada wadanka Kenya waa Nayroobi. Wadanka kiinya wuxuu ka mid yahay wadamada ee ku badan yihiin Xayawaanaadka ee Qaarada Afrika. Sida Libaaxa, Waraabaha iyo Shabeelka. waa wadan ay aduunka u-soo dalxiisaan oo na dhaqaale-hiisa kor u socdo, dhaqaalahas oo ka yimaada xagga beeraha qaadka. wadanka magaciisa waxaa lagu magac daray Mount kenya ama (buurta kiinya). Waa buurta ugu ween wadanka kiinya, waana midda labaad oo ugu ween qaarada afrika. waayadi hore waxaa la dhihi jiray wadanka British East Afrika, waa marki uu ingriiska gumeensan jiray kenya iyo yugandha. Waayadii hore inta uuna wadanku soo galin gumeesigii ingriiska, wadanka gudihiisa waxaa ku noolaa dad ayaga ismaamuli jiray oo bantu ah ama jareer, laakiin dhinaca xeebaha waxaa ganacsi ka sameen jiray carabta oo waqtigaas ka ganacsan jirtay bariga afrika, Bortuqiiska waqtiga oo maamulkiisa bilaabay 1500, waxeey la canacsan jireen carabta oo waagaas ka shaqeenaayeen magaalada Mombaaso. Dadka bantuga ahaa oo degenaan jiray gudaha dalka Kenya, uma shaqeen jirin sida dadka degenaa xeebaha, Laakiin dadka masaayda ayaa bilaabay dhaq dhaqaaq dhinaca xukunka ah taariikhda marka ee eheed 1800, laakiin dhaq dhaqaaqaas waa joogsaday sanado badan kadib markii uu wadanku qabsaday cudur xoolaha dhameeyay. Wadanka kenya gaar ahaan dhinaca xeebaha wuxuu markiisii hore ahaa meel ay carabtu ku ganacsan jirtay adoomada, gaar ahaan meesha ay carabta u gaarka ahyd ee zanzibar. Kenya waxaa qabsaday Ingriiska taariikhda marka ee eheed 1895tii, Muran ayaa ka socon jiray shirkii barliin oo ahaa meesha dhulalka lagu kala qeebsan jiray, shirkaas waxoo ku dhamaaday ingriiska oo qaatay Zanzibar,kenya iyo Yugandha, waxaana loogu magacaabay Ingriiska Bariga Afrika.Markii la dhameeyay jidkii tareenka oo ku yaalay meesha biyo deegaanka ah ee fiktoriya 1902dii, waxaa lagu go'aan gaaray in ee shacab yurubiyaanka ee u so guuraan kenya intii ee san jecleesan wadankii la dhihi jiray (Rhodesia) oo maanta ku yaalo Simbaabwi iyo Koonfur Afrika.Kenya waxee laheed dhul beeraad aad u weyn, dhulkaas neh waxaa degay ajaanibta ingriiska, isla markaas neh dadkii u dhashay dalka kenya gaar ahaan dadka Kikuyuga ah iyo dadka Masaayda ayaa la soo dajiyay dhulka, waxaana loo sameeyay shaqo oo wax soo saarkooda loo dhoofin jiray wadamada yuubiyanka,badanaa dadka qaarkood lacag raqiis ee ku shaqeen jireen ama amar, Kenya waxee ingriiska ka xoroowday 1963dii. (SII AQRI)
|
Xusuusta Wikipedia
|
|
Waa maxaay Wikipedia ?
|
Wikipedia (loogu dhawaaqo ˌwiˑkiˈpidi.ə). Waa bar laga helo Web-ka oo ah Qaamuus qoran. Waxaa qorey dad iskood ugu qora luuqadadooda oo aan dawlad ama haayadi diran. Qofkwalba oo guriga khatka internetka ku heysta, yaqaanana sida loo isticmaalo wuu ka qeybqaadan kaaraa Qaamuuskan oo sidii cilmi Soomaaliga ku qoran loo soo gelin lahaa halkan. Arintan oo la bilaabay 2001 Ingiriiskuna (english) ugu horeysey ayaa waxaa ku xigey luuqado badan oo kuwa ugu waaweyn ay yihiin Jarmal , Faransiis , Isbanish iyo Talyaani.
Taariikhdu markii ay ahayd 18/01/2012 ayaa waxa hawada ka baxay wikipedia laakiinse isla maalin ka bacdiba waa ay ku soo noqotay hawada.
|
Dhacdooyinka hadda
|
- Malaysia Airlines Flight 370 (sawirka diyaaradda), kasoo kacday Kuala Lumpur kuna socotay Beijing lana socdeen 239 qof, ayaa lagu waayey Gacanka Thailand.
- Maxkamadda dembiyada dagaalka ayaa ku heshay nin u dhashay kongo ee Germain Katanga dembi.
- 2014 Winter Paralympics 2014 Winter oo la furay Sochi, Ruushka.
- Gobol Ukrain ka mid ah oo la modoobaya Ruushka kuna biiraya Federeeshinka ruushka.
- Gudoomiyaha gobolka Banaadir Muungaab ayaa booqday qaar ka mid ah dagmooyinka xamar.
Warar dheeraad ah...
|
Wiki Wararka – Dhacdooyinka Hadda iyo dheeraad...
|
|
|
Hooyga Wikiga
|
Waxyaabaha ku jira · Hooyga Wikiga · Qaybaha Guud · Lagu soo koobay Xul · Tusmo A-Z
|
Ma Ogtahay...
|
Tamar (ingiriis: Energy) waa astaamaha kartida walaxu leedahay. Guud ahaan tamartu waxaa loo qaybiyaa Tamar falgaleedka, Tamar Cufisjiidadka, Tamar socod, Tamar loodsan, Tamarta danabka iyo Tamarta Niyukliyeerka (bu'eed), laakiin intaas uun kuma koobna ee waxaa jira noocyo badan oo Tamar ah, sida: Tamarta kaydsan. Saynisyahandu waxa ay rumeysan yihiin in cuntada iyo shidaashaba ay ku jiraan waxa la yiraahdo Tamar oo ay tahay tamartaasi tan dadka iyo makiinadahaba u suurtogelisa in ay howl qabtaan, wax yaabaha ugu weyn ay tamartu leedahay waxaa ka mid ah iyada oo isku gediyi karta wejiyo badan. Tamar falgaleedka: Cuntada aynu cunnaa iskudhisyo ayaa ay siisaa muruqyadeenna, marka aynu culays qaadayno ama aan wax riixayno muruqyadeenna ayaa adeegsada iskudhiyadaa, oo ka hela tamarta ay hawsh ku qabtaan. Sida dhabta ah cuntada waa shidaalka dhabta ah ee dadka sida uu u yahay batroolka shidaasha baabuurka, ama naftadu u tahay shidaasha makiinadaha waaweyn. Tamarta laga helo iskudhisyada cuntada iyo shidaasha ayaa la yiraahdaa tamar falgaleed waana nooc ka mid ah tamarta kaydsan. Tamarta Cufisjiidadka: Xabbad leben ah xadhig ku xidh dabadeedna kor u qaad oo miiska korkiisa la sin. Xadhigga kor mari khafiyad dabadeedna culays 1kg kaga xidh caarada kale. Haddii aad sii daysid lebenka hoos u dhacay ayaa qabanaya hawl oo kor u qaadaya culayska halka kiiloogaraamka ah. Markaa waa in uu lebenku yeeshaa tamar marka uu miiska la siman yahay.Tamarta walax kor loo qaaday leedahay waxaa la yiraahdaa Tamar cufisjiidad. Ogow markii aad kor u qaadday xabadda lebenka ah muruqyadaadu waxay adeegsadeen tamar falgaleed, taasoo ah tamarta weji leh ayaa loo geddiyi karaa mid kale. Tamar socod:
Lebenkii aad kor u qaadday ee aad la sintay miiska jooggisa haddii aad sii daysid oo uu ku dhaco qori yaalla dhulka waa uu kala jebinayaa. Lebenku, markii uu la sinna miiska korkiisa, wxa uu lahaa tamar cufisjiidad. Hase yeeshee waa ay ka dhammaatay cufisjiidadkii markii uu soo dhacay ee anu gaarin qoriga dhulka yaalla, lebenku markii uu joogsaday qorigana uu kala jabiyey waxa uu qabtay hawl, sidaa darteen waa in uu yeeshaa lebenku tamar intii aanu ku dhicin uun qoriga. Waxa aynu u qaadanaa tamar ka timid socodka u kordhay markii uu soo dhacay. Tamarta walax soconaysa waxaa la yiraahdaa tamar socod. Tamar falgaleedkii muruqyadeenna ayaa u gedismay tamar cufisjiidad markii aynu sii daynay lebenkana tamar cufisjiidadkii uu lahaa yaa u gedisantay tamar socod. Tamar loodsan: Kala jiid gariirad inta aad ku xidhid culays yar dabadeedna sii daa. Gariiraddu wa ay soo gaabanaysaa culayskana koy ayaa ay u soo qaadaysaa. Gariiraddii kal jiidnayd waxay qabatay hawl waxaana la yidhaahdaa waxa ay leedahay tamar loodsan. Tamarta danabka: Qalabka adeegsada danabka, ee ay ka midyihiin daqaajiyeyashu, waxaad ogtahay in ay hawl qabtaan, wax inta meel ka kaxeeyaan ay meel kale geeyaan, Tamarta danabka laga helo waxaa la yiraahdaa tamarta danabka, warshadaha danabka tamar falgalkeeda ku jirta naftada ayaa ay u gediyaan tamar danab. Tamarta Niyuukliyeerka (bu'eed): Atomyada waxaa ku kaydsan tamar, mana suurto gasho in wax laga soo saaro oo hawl wax tar leh lagu qabto. Yureeniyam, oo ah curiyaha ugu culus oo dhulka korkiisa laga helaa, waxa ay bixisaa tamar bu'eed marka ay atomyadeedu jajabaan. Tamarta ka soo baxda hal kiiloogaraam oo yureeniyam ahi waxay ay la egtahay tamarta laga helo 8,000,000 kg oo saliid ah. Waxyeello aad u weyn aya ay ku keenaysaa dadka tamar atomeedu hadii si xul (oo dagaal uu ka midyahay) loo adeegsado. Bam atomeedii u horeeysay 1945 lagu tijaabiyey banka ku yala niyuu megsiko ee maraykanka, kulkii kasoo baxay waxa ay noqotay ciidii quraarad dhalaashay. Waxaa jira wejiyo kale oo ay tamartu leedahay, oo ay ka mid yihiin tan kulka, ilayska, jabaqda iyo bilabta oo qaban kara shaqo loona gediyi karo weji kale haddii qalab ku haboon la adeegsado. Tamartu waxay leedahay wejiyo fara badan si ay arrimuhu inoogu jilicsanadaan, waxaynu u qaybin sidaan soo socota: (b) Kooxda Tamarta Kaydsan (t) Kooxda tamarta Socodka (J) Kooxda tamar Kaydka + Tamar Socodka
- MAQAALKA SII AQRI · Maqaallo kale oo Kala duwan
|
Ma ogtahay dheeraad ka sii aqriso halkaan... |
Sawirka Maanta
|
|
Soo Bandhig Sawirkaada Xulka ah
|
Waxaa La Yiri
|
0
Cadawgaa looma taahee, tunka u adkeey *** Canjeero siday u kala koreysaa loo cunaa (loo kalaqadaa).
Carab iyo ilkaa cid isugu dhaw iyana weeys qaniinaan'. *** Biyo socdaa biyo fadhiyeey kiciyaan.
—Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar
|
Wiki – Oraah Kale
|
|
Expression error: Unexpected < operator. round 0 }}
Waxay saxaafadda qaarkeed qortaa: Ereyo isgu jira ajnabi iyo soomaali Tusaale ahaan April, Ereyo shaqalka laga qalday Dowlada
Waxaa haboon in loo qoro: Sida Saxda ah waa Abriil iyo Dawladda |
|
Wikit – Fiira gaar ah ee kale
|
|