Maqaal Xul ah
|
Dhulgariir waa Dhulka marka oo luxluxmo ama uu gariiro, waa marka caleemaha Dhulka kala durqaayaan. Dhulgariirka khasaarado badan ayuu geestaa, wuxuuna u badan yahay Aasiya iyo Ameerika. Dhulgariirka wuxuu sameeyaa fulkaano iyo Buuro. Soomaaliya dhulgariir culus malahan, laakiin mar marka qaar ayaa waxaa dhulgariir ka dhacaa waqooyiga Soomaaliya oo dhan meelaha buuraaleeyda ah, dhulgariirka soomaaliya badanaa mala dareemo, lakiin waxaa jira kuwo la dareemaayo oo ka dhaca sida gobolka Awdal Bishii Maarso 2010 ayaa magaalada Boorama waxaa lagu arkay dhulgariir oo halkaas kadhacay oo khasaaro badan geesanin lama hayao ilaa iyo hadda cabirkiisa maxaa yeelay soomaaliya ka jirin dawlad dhexe oo haysata qalabka cabirka dhul gariirada. Soomaaliya waxeey leedahay caleemaha dhulka ama af ingriiska lagu dhaho (tectonic plate), kaas oo lagu magacaabo (somali plate).
Dhulgariirkii ugu culusaa wuxuu ka dhacday Badweynta Hindiya 2004 Tsunami Badgariir. waxaana ku dhintay in ka badan 180.000, waxaana ku guryo beelay 1.1 miliyan oo dad ah. Soomaaliya waxaa kasoo gaaray qasaaro farabadan kaasoo dhica walba saameeyey haba ugu darnaadeene haamanka sunta ah ee badda lagu daadshay oo banaanka usoo caariyey. (SII AQRI)
|
Maqaal Cusub
|
Koonfur Suudaan ama Jamhuuriyada Koonfurta Suudaan waa dal ku yaal bariga afrika waxaana caasimada u ah Jubba waxeey xad la wadaagtaa Suudaan oo ka xigta woqooyiga, Itoobiya oo ka xigta bariga, Yugandha, Kenya oo ay ka xigaan koonfurta, iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika oo ka xigta galbeedka. Koonfurta suudaan waxey mar ka mid ahaan jirtay dalka Suudaan, waxayna kala go'idooda u sabab noqotay 2dii dagaal ee Suudaan, waa markii ee Koonfurta Suudaan noqotay gobol ka madax banaan. Shacabka reer Koonfur Suudaan waxaa afti laga qaaday 9 Janaayo ilaa 23 Janaayo 2011, waxayna 98,83% doorteen in ay go'aan. Taariikhda markay ehayd 9kii Febaraayo 2011, Koonfurta Suudaan waxay ka mid noqotay Qaramada Midoobay, sidaas darteed waxay noqotay wadanka 193aad ee caalamka ama wadanka 54aad ee Qaarada Afrika. Ma jirto taariikh horay looga qoray Koonfurta Suudaan, laakiinse waxaa jirto hadalo afka laga soo dhahay, oo ah in Koonfurta Suudaan markeeda hore ee wada degenaan jireen dad reer baadiya ah, intii aysan imaanin qoomiyadaha Dinka iyo Nuer sanadihii 800. Taariikhda marka ay eheed 1822kii Woqooyiga Suudaan waxaa qabsaday Cusmaaniyiinta Masar, Koonfurta Suudaan way madax banaaneed, laakiin 1899kii ayaa Ingiriiska iyo Masaarida qabsadeen dhamaan woqooyiga iyo koonfurtaba. Sanado yar ka hor intii ay Suudaan ka madaxbanaaneed Ingiriiska, wuxuu Koonfurta Suudaan iyo Woqooyiga Suudaan ula dhaqmi jiray gobolo kala go'an, sababo la xiriiro cabsi laga qabay cuduro. Gobolada waxay xornimadooda heleen 1956kii. Intii aysan madaxbanaanidooda si rasmi ahaan u helin 1955kii, Koonfurta Suudaan iyo Woqooyiga Suudaan waxaa dhexmaray dagaalo oo ay Koonfurta Suudaan ku diidayso in ay hoostagto caasimada Khartuum, dagaaladaas waxay noqdeen kuwa aad u xun oo xukumada Khartuum ku layneeso shacabka Koonfurta Suudaan. (SII AQRI)
|
Xusuusta Wikipedia
|
|
Waa maxaay Wikipedia ?
|
Wikipedia (loogu dhawaaqo ˌwiˑkiˈpidi.ə). Waa bar laga helo Web-ka oo ah Qaamuus qoran. Waxaa qorey dad iskood ugu qora luuqadadooda oo aan dawlad ama haayadi diran. Qofkwalba oo guriga khatka internetka ku heysta, yaqaanana sida loo isticmaalo wuu ka qeybqaadan kaaraa Qaamuuskan oo sidii cilmi Soomaaliga ku qoran loo soo gelin lahaa halkan. Arintan oo la bilaabay 2001 Ingiriiskuna (english) ugu horeysey ayaa waxaa ku xigey luuqado badan oo kuwa ugu waaweyn ay yihiin Jarmal , Faransiis , Isbanish iyo Talyaani.
Taariikhdu markii ay ahayd 18/01/2012 ayaa waxa hawada ka baxay wikipedia laakiinse isla maalin ka bacdiba waa ay ku soo noqotay hawada.
|
|
|
Hooyga Wikiga
|
Waxyaabaha ku jira · Hooyga Wikiga · Qaybaha Guud · Lagu soo koobay Xul · Tusmo A-Z
|
Ma Ogtahay...
|
Baho Cadceedeed (ingiriis: Solar System) waa qoraxda, 8da meere, dayaxyo badan oo ku wareega meereyaasha, dhowr duniyar iyo tiro badan oo dhagaxaan, baraf iyo hawoooyin ah; kuwaas oo dhamaantood ku wareega qoraxda oo badhtanka ku taala. wareega qorax
Bahda Qoraxdu Midaysay waxay ka tirsan tahay nidaamka Galaagsiyada ee loo yaqaan The Milky Way. Waxaana la sheegaa in meerayaasha, dayaxyada, dunidayar iyo dhamaan walxaha ku jira bahdan ay sameeysmeen wakhti hada laga joogo 4.5 bilyan oo sano ka hor 4.5 bilyan oo sano ka hor
Inta ugu badan cufka iyo mugu waxaa laga dhex helaa qoraxda oo ugu weyn dhamaantood, iyo meeraha Cirjeex oo ugu weyn meerayaasha sideeda ah. Afarta meere ee u dhow qoraxda - Waxaraxir, Dusaa, Dhulka iyo Farraare - kuwaas oo loo yaqaano Meere Dhagaxley, waxay inta ugu badan ka samaysan yihiin bir.Afarta meere ee u dhow qoraxda - Waxaraxir, Dusaa, Dhulka iyo Farraare Dhinaca kale, afarta meere ee banaanka u baxsan ee loo yaqaano Neefaha Waawayn - Cirjeex, Raage, Uraano iyo Docay - kuwaas oo aad uga jidh iyo xajmi wayn meerayaasha dhagaxleyda ah, waxay ka samaysan yihiin neefo. Neefaha Waawayn - Cirjeex, Raage, Uraano iyo Docay
Labada meere ee ugu xajmiga wayn bahda midaysay qoraxdu, Cirjeex iyo Raage, waxay ka kooban jihiin curiyeha haydarojiin iyo hiliyaam, labada ku sii xiga ee Uraano iyo Docay waxay ka samaysan yihiin sheeyo dhalaali kara oo inta ugu badan ah baraf.
Si kastaba ha ahaatee, bahda qoraxdu midaysay waxay leedahay deegaano ay ka buuxaan walxo yaryar. Tusaale ahaan, suunka asteroidska ee u dhaxaysa Farraare iyo Cirjeex, si la mid ah meerayaasha dhagaxleyda ah, waxaa ka dhex buuxa sheeyo yaryar oo ka samaysan bir iyo dhagaxaan. Meereha Docay xadka ka dambeeya oo loo yaqaano Suunka Kuiber (Kuiper Belt) waxaa laga helaa duniyo yaryar oo la qaab ah Docay. Meeshan waxaa ku jira in ka badan toban kun (10,000) oo sheey kuwaas oo hadii ay aad u waynaan lahaayeen aygu isku wareegi lahaa. Dunida yaryar ee ka dambeeysa Docay ee ku dhex jira suunka kubier waxaa ka mid ah asteroidka Ceres, Bluto iyo Eris.
Lix ka mid ah meereyaasha, iyo ugu yaraan 3 ka mid ah dunidayar, iyo sheeyo yaryar oo kale waxaa ku wareega walxyo ka yar ayaga kuwaas oo loo yaqaano Dayaxa meere. Meeraha Cirjeex ayaa ugu dayax badan, ayadoo leh tiro dhan 67 dayax.
- MAQAALKA SII AQRI · Maqaallo kale oo Kala duwan
|
Ma ogtahay dheeraad ka sii aqriso halkaan... |
Sawirka Maanta
|
|
Soo Bandhig Sawirkaada Xulka ah
|
Waxaa La Yiri
|
3
Minjo dhooqo leh, marba mid baa la siibaa ama la'qadaa *** Naag, naag ka umulisay iyo nin reer u weyni, midna siday wax u ogyihiin uma sheegaan.
Xoolo quureed waa la qaataa, soor quureedse lama qaato. *** Wax aanad filaneyn iyo fallaari waa kaa fuc siiyaan ( fajaciyaan).
—Waxaa la yiri---
|
Wiki – Oraah Kale
|
|
Expression error: Unexpected < operator. round 0 }}
Waxay saxaafadda qaarkeed qortaa: Ereyo isgu jira ajnabi iyo soomaali Tusaale ahaan April, Ereyo shaqalka laga qalday Dowlada
Waxaa haboon in loo qoro: Sida Saxda ah waa Abriil iyo Dawladda |
|
Wikit – Fiira gaar ah ee kale
|
|